Ohio: Colonel ka tirsanaa Dowladdii Max’ed Siyad Barre, balse dhuuntay oo maxkamadeyntiisa la waqtiyeeyay

Columbus, Ohio (Caasimada Online) Xaakim federaal ah oo jooga dalka Mareykanka ayaa dhageysan doona dacwo magdhow doon oo ka dhan ah Colonel horey uga tiran milatariga Somalia, waqtigii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Si kastaba Col. Cabdi Aadan Magan, ayaa ka tagay Mareykanka, xilli uu wajahayay eedeymo ku saabsan inuu jir dilay nin kale oo Soomaali ah oo u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha.

Xaakimka jooga gobolka Ohio, ayaa dhageysiga dacwadda waqtiyeeyay daba yaaqada bisha May.

Waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee maxkamad lagu dhageysto eedeymaha ka dhanka ah Col. Magan.

Sanaddii tagtay, ayaa Magan waxaa lagu helay inuu jir dilay Abuukar Xasan Axmd, sanadihii sideetamaadkii.

Abuukar, ayaa sheegay in jirdilkii uu magan u geystay inuu gaarsiiyay xanuun darran, illaa iyo haddana uusan awoodin inuu farriisto.

Col. Magan ayaa dhowr sano ku noolaa Ohio. waxa uu Ohio ka tagay ka hor inta aanu xaakim ku helin dambi ah inuu jirday Axmed, lamana oga halka uu jiro.

Xafiiska wararka

Columbus, OHIO, USA