Ololaha guddoonka BF oo meel xasaasi maraya (Yaa ugu cad cad?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ololihii ugu weynaa ee musharixiinta u taagan jagooyinka Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka socda magaalada Muqdishi iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay Doorashada.

Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u muuqata in herdankeeda soo yaraaday kadib markii saadaashu u badatay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Arrintan ayaa waxaa ugu wacan kadib markii xildhibaano taageersanaa dhanka Shariif Xasan ay u jabeen Jawaari, ayada oo xildhibaanada Daarood ay wacad ku mareen inaysan cod siin doonin Xiddig, maadaama ay u arkaan in guushiisa ay beesha ka horistaageyso xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha

Musharaxiinta kal ee u taagan guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ugu rajo roon C/rashiid Xiddig oo taageero ka heysta Shariif Xasan Sheekh Aadan, laakiin ay saameyn weyn ku yeelatay khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo in badan kala bar ay taageereen Jawaari.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa noqon doona xil si weyn loogu hardamo, waxaana la filayaa inay ugu rajo fiican yihiin Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/weli Muudey, inkastoo Khadiija Maxamed Diiriye aanay dab yar shideynin.

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad oo ay u tartamayaan 10 xildhibaan ayaa ah jago isku qasan oo xaalkeedu mudgi badan ku jiro, waxaana isku heysta xildhibaano ka soo kal jeeda Beelaha Dir iyo Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com