Oscar: Chelsea waxay dooneysaa inay ku guuleysato CWC.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa aaminsan inay kooxdiisu ku baahi goyn karto Koobka Kooxaha aduunka kaasoo ah koob ay doonayaan inay geeyaan Stamford Bridge.

Blues ayaa wareega afar dhamaadka la ciyaari doonta kooxda Mexico Monterrey iyadoo midkood Finalka ku qaabi doona kooxda soo baxda Al Ahly ama Corinthians , waxaana kama dambeysta lagu ciyaari doonaa Garoonka caalamiga ahYokohama.

“Chelsea waa kasoo dhamaatay koobka Yurub waxaana dooneynayaa inaan halkaan wax wanaagsan ku sameyno,” ayuu 21-jirkaani u sheegay World Soccer Digest.

“Waxaan isku deyeynaa inaan ku guuleysano tartanka sanadkaan. Koob walba muhim ayuu u yahay Chelsea. Hadii aan ku guuleysano, waxay na siineysaa kalsooni badan inta ka harsan xilli ciyaareedka.”