Guardiola Chelsea wuxuu ka doortay Arsenal (Sababta).

Macalin Jose Pep Guardiola  ayaa daaha ka qaaday inay Arsenal tahay dooqiisa koowaad marka uu tababarenimada kusoo laabanayo hadiiba uu imaanayo Horyaalka Premier League, sida ay qortay shabakada Goal.com.

Tababaraha u dhashay Spain ayaa lala xiriirinaayey kooxo ka dhisan Ingiriiska sida Chelsea, Manchester United iyo Manchester City ka dib markii uu ka tegay Barcelona isagoo sanad nasiino ah ka qaadanaya kubada cagta.

Kooxda Maalqabeenka ah Paris St. Germain ayaa sidoo kale xiiso u qabtay macalinkaan, sida aadka ah ugu soo shaac baxay kooxda Catalans.

Wuxuu qiimeynayaa dalabyada u imaanaya sanadka cusub Arsenal ayaana lasoo werinayaa inay noqoneyso kooxda ugu sareysa liiska kooxaha doonaya shaqadiisa.

“Doorashada Goardiola ee Horyaalka Ingiriiska waa kooxda Arsenal,” ayey dhahayaan Ilo ay soo xigatay Goal.com. “Kooxda ayaa xiiseyneysa shaqadiisa marka la gaaro sanadka cusub.”

Macalinkii hore ee Barcelona ayaa 14 koob u qaaday kooxdiisii hore, marka lagu daro Laba Champions League iyo Sedax Horyaal oo La Liga ah, intii lagu jiray afar sano oo uu Comp Nou horkacaayey, Arsene Wenger ayaana waqtigaas ku jiray waayihiisa Koob la’aanta.

Si kastaba, Isha laga soo xigtay warkaan ayaa cadeysay: “Guardiola ma doonayo inuu aado Chelsea. Wuxuuna ka welwel qabaa wax quseeya nasiibkiisa. Wuxuu sidoo kale xiriir fiican kala dhexeeyaa Wenger.”

Chelsea ayaana u weecan karta Jurgen Klopp hadii ay ku guul darreystaan inay  Guardiola xagaaga soo aadan keenaa Stamford Bridge.