Sawirro: R/Wasaarihii hore ee Somalia oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax

Mogadishu (Caasimadda Online) – Ka  dib xaflad qado ah oo qaab heer sarre ah loo soo agaasimay kana dhacday City Palace Hotel, Professor Cali Maxamed Geedi ayaa xaqiijiyey inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweyne ee dalkeena Soomaaliya 2016 illaa 2020.

Xafladdii ka dhacday City Palace Hotel oo la isugu yimid 9am subaxnimadii saakay isla markaana socotay illaa 3pm galabta oo Sabti ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socday Maamul Goboleedyada Soomaaliya, Odayaal dhaqanka ah, Musharrixiin, waxgarad iyo madaxda Ururka Haweenka.

Mudane Cali Maxamed Geedi wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumaddii ku meelgaarka Soomaaliga xilligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Allah ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Cali Maxamed Geedi oo hayey xilka Madaxa Wasiirrada ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2004 illaa 2007 ayaa daaha ka qaaday inuu horumarin doono dhaqaalaha dalka Soomaaliya haddii loo doorto xilkaan.

Mudane Geedi oo ay garab taagneyd marwadiisa Drs. Faadumo Xassan Baroow, ayaa ku nuuxnuuxsaday in la joogo waqtigii la daryeeli lahaa Ciidamada Soomaaliya isla markaana uu xaqiisa heli lahaa shaqaale kasta oo dowladda u shaqeeya.

Barafasoor Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale wuxuu caddeeyey inuu wax ka qaban doono ammaanka dalka haddii loo doorto xilka ugu sarreeya ee Soomaaliya. Waxaana xusid mudan inuu Geedi noqonayo musharrixii ugu dambeeyey ee isku soo taagay xilka madaxweyne ee dalka.

Guud ahaan, xafladdaani waxay aheyd mid qaab heer sarre ah loo soo agaasimay isla markaana lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya qeybahooda kala duwan, kooxo gaar ah ayaana loo xilsaaray madadaalada marti sharafka.

Doorashada dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa la qaban doonaa 28ka bishaan December sida uu qorshuhu yahay. Marti sharafkii goobta ayaana markii uu khudbaddii ugu dambeysay xafladda soo geediyey Mr. Geedi waxay ku shirbayeen halheyska ‘Taariikh Horaa Mahaan U Taal, Waana Lagu Tashan Karaa’.

Caasimadda Online ayaa idiin soo gubdin doonta khudbaddii uu jeebiyey Mudane Geedi oo qoraal iyo muuqaal ah, si la mid ah waxyaabihii uu kaga hadlay iyo wixii ay ka dheheen madaxdii xafladdaan kasoo qeybgashay.

Halkaan hoose ka daawo qaar ka mid ah sawirradii xafladdaan.

Caasimadda Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@Live.com