Puntland iyo midnimada Soomaaliya ka weyn laaluush la isugu baaqo

Dastuurka Puntland waxaa ku qoran inay Puntland Soomaaliya ka mid tahay, hormoodna u ahaanayso marwalba baadigoobkeeda iyo dib u soo celinta qarankii soomaaliyeed, waana sax inay shacabka reer Puntland sidaas go’aansadeen ficil ahaanna u fuliyeen, wax badanna ay ku bixiyeen in calankii Soomaaliya mar uun dib uga babbado madaxtooyadii Soomaaliya, iyo fagaarayaasha adduunkaba. Puntland iyadoo halkaas ka duulaysa ayay marwalba waxay u taagnayd inay difaacdo jiritaanka iyo midnimada qarannimada soomaaliyeed una dooddo oo raadiso, taas ayaana ahayd waxa ay shacabka reer Puntland raallida ka ahaayeen, madaxdoodana ku garab taagnaayeen.

Hase yeeshee hadalka uu ku dhawaaqay madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas, waxay ahayd oo ay reer Puntland iyo ummadda soomaaliyeedba uga dhignayd Amley(toorrey) dhabarka lagaga dhuftay qarannimadii Soomaaliya iyo sumcadxumo foolxun oo ku timid shacabka reer Puntland, taasoo aan marna laga raalli noqon karin wax la aqbali karana aan ahayn.

Puntland waa lafdhabarta iyo hooyada danta, maslaxadda iyo midinimada ummadda soomaaliyeed, waana inay sidaas ahaataa maxaayeelay sharafteeda, gobannimadeeda iyo jiritaankeeduba iyada ayuu ku xiran yahay; danta soomaaliyeed ee guud dan duminaysa oo lid ku ahina ma aha dan Puntland mana noqon karto, carabna nalama wadaagto dan ka weyn midda aannu ummaddayada soomaaliyeed la wadaagno, weliba waxaan oran karaa carab badankeeda siiba khaliijku uma aha soomaali ehel iyo gacal la isku hallayn karo toonna, waxna nama ay tarin, namana garab istaagin noomana ay turin soddonkii sano ee aannu rafaadka iyo dhibta ku jirney.

Sidaas darteed wixii uu Cabdiweli ku dhawaaqay oo ahaa Puntland Sucuudi bay la safanaysaa iyo Imaaraad, una joojin-mayso mawqifkii dawladda Soomaaliya ee xasaradda khaliijka dhexdhexaadka ka ahaa, sidaas uu Cabdiweli ku dhawaaqay ma aha wax uu nagu matalo ama aannu u dirsannay annaga reer Puntland ah, ama ka turjumaya mawqifkii ummadda Puntland iyo sharafkeedii iyo kaalinteedii hormoodnimo ee ay kaga jirtey soo celinta qarannimadii Soomaaliya iyo jiritaankeedii. Waana wax khilaafsan sal iyo baarba dastuurka Puntland iyo kan federaalka oo lagu heshiiyeyba.

Sidaas aawadeed waxaannu leennahay Puntland ka weyn laaluush la isugu baaqo, carabna ka yeelimaynno iyo khaliijkeeda toonna inay annaga Puntland ah nooga dhigto inay wax noogu qabanayso Soomaaliya burburinteeda oo sidaas riqiiska ah noo laaluushto, dadkayaguna heerkaas waa ay ka fiiro iyo aragti dheer yihiin, mana aha inay reer Puntland waxaas oo kale wax moodaan oo ku ceeboobaan, sidaasna ku horseedaan soomaali burburkeed iyo inay hadda iyo hor alla kala dhunto oo cadba meel aado.

W/Q: Cabdirisaaq Cabdi Daad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid