Puntland oo amar cad kasoo saartay diidmada lacagta Shilin Soomaaliga

Garoowe (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, C/laahi Nuur-qaal ayaa amar kasoo saaray diidmada lacagta Shilin Soomaaliga.

Taliyaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ay ku qasban yihiin inay qaatan lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

Taliyaha ayaa sheegay in Shacabka maamulka Puntland ay waajib ku tahay inay ku kala ganacsadaan lacagta, haddii ay dhacdo in la diido ay cawaaqib la kulmi doonaan kuwa diiday lacagta.

C/laahi Nuur-qaal, waxa uu Ganacsatada reer Puntland uga digay in ay diidaan lacagta Puntland, cidii diida lacagta ayuu sheegay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, isla markaana la marin doono sharciga.

Sidoo kale, waxa uu C/laahi Nuur-qaal cadeeyay in uusan jirin Gobol lacag aanay oolin oo Puntland ka tirsan, cidii lacag gobol kale u qaadana ay ka qaadi doonaan talaabo adag, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada amaanka ayuu faray inay xiraan cid weliba oo lagu helaa iyadoo lacagta u safrineysa Gobol kale, waxa uuna sidoo kale carab dhabay in la xiri doono Ganacsatada diidmada ka keenta lacagaha.

Haddalka Taliye C/laahi Nuur-qaal, ayaa kusoo beegmaaya xili dhowr Gobol oo hoostaga Puntland ay ka jiraan xaalad cakiran oo dhanka lacagta ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com