Puntland oo ay ku soo badanayaan ururada siyaasadda (Falanqayn)

Garowe (Caasimada Online) Iyadoo weli maamulka Puntland uusan shaacin xilliga la qabanaayo doorashada maamulkaas, oo ku beegan 8-da bisha January 2013-ka, ayaa haddana waxa sii kordhaya ururada siyaasadda eek u han weyn in ay qabtaan xilka ugu sareeya maamulkaas.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo hadda xilliga loogu talagalay in uu joogo xafiiska uu dhammaaday, waxa uu rabaa in hal sano oo hor leh loogu daro xilka uu hadda hayo, taasoo ay si wayn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta iyo odayaasha ku dhaqan deegannada maamulka Puntland.

Maamulka madaxwaynaha wuxuu bilaabay in uu u caga jugleeyo siyaasiyiinta, sidoo kale waxa uu xarig iyo wax uu kala raacdeeyay ka dhigay odayaashii dhaqanka iyo wax-garadkii ku dhaqankaa deegannada Puntland.

Muxuu ku dooddayaa madaxweyne Faroole?

Sida ay lee yihiin dadka u dhuundaloola siyaasadda maamulka Puntland, waxa uu madaxweynaha doonaya in uu xilka uu hayo ku darsado hal sano oo dheeri ah, isagoo taasoo u cuskanaya dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxwaynaha uu xilka heyn karo illaa shan sano.

Laakin dad badan ayaa qaba in dastuurka cusub ee Puntland markii la sameenayay uusan sidaas ahayn, oo loo oggolaa madaxwaynaha in uu xafiiska heyn karo muddo afar sano, sidaas ay ku soo shaqeeyeen seddax madaxweyne oo horrey u soo maray Puntland.

Si kastaba, waxa laga cabsi qabaa in haddii aan doorasho la qaban bisha January ee sannadka soo socda, ay ka dhici karaan deegannada Puntaland khalaaso iyo rabshado xooggan, taasoo keeni karta in nabad dari ay ka dhiliso halkaas.

Madaxweyne Faroole wuxuu bilaabay in uu kulamo la yeesho wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo oo u ka dhaadhicinaayo in maamulkiisa haddii hal –sano oo dheeri loogu daro ay ku qaban karaan waxyaabo horrumar leh, sidaas waxa qaba qaar badan oo ah dadka deegganka Puntland ka soo jeeda.

Maamulka Puntland waxa uu horrey u bilaabay in uu afka qabto saxaafadda, iyadoo idaacadaha ku yaalla deegannada Puntland ay in-dhaha ka qabsadeen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaas, waxana arrintaas sabab u ah iyagoo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Sidaas oo wax kasta yihiin, haddana waxa ku soo qulqulaya Puntland siyaasiyiin caan ah iyo ganacsato waaweyn kuwaasoo damac uu ugu jiro maamulka Puntland, waxana intooda badan ay lee yihiin waa in doorashada Puntland la qabtaa xilligii lagu balamay oo ah 8-da bisha January 2013-ka, haddii arrintaas isbadal ay ku timaadana ay ka dhalan karto wax yeelo aad u xun.

Isku soo duub, waxa hadda ka dhisan Puntland ku dhawaad 10-urur siyaasadeed, kuwaasoo la sheegayo in badankood ay taageersan yihiin madaxweyne Faroole ama uu isaga lee yahay sida ay lee yihiin ilo madax-bannaan.

Shaley oo taarikhda ku beegneed, waxa magaalada Garoowe looga dhawaaqay Urur-siyaasadeed cusub oo la yiraahdo WADAJIR.

Ururkan oo dadka madaxda ka ah ay u badan yihiin dhallinyaro waxaa guddoomiye u ah Cabdilaahi Xasan Maxmuud oo ku magac dheer (Spaanish).

Waa nin hadda ku sugan waddanka Spain isagoo taleefonka kula hadlaayay ka qaybgalayaashii xaflada in ururka uu yahay siddii bulsahda Puntland loo gaarsiin lahaa himilooyinka ay lee yihiin oo in ah in ay helaan maamul wanaagsan.

Bishii November ee sannadkan sii dhammanaya maanta, ayaa madaxweyne Faroole wuxuu ku dhawaaqay ururkii ugu horreyey ee siyaasadeed kaasoo lagu magacaabo {HORSEED}.

Isagoo ka hadlaayay ururkaas wuxuu yiri “Astaanta Ururkeenu Waa Geedka Gobta ah, waayo Geedkaas, Waligiis ma qalalin, waa Cayaar, Xoolaha iyo Dadku waa cunaan, Har ama Hoos fiican ayuu leeyahay, sidaas ayaa Gob loogu bixiyey”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi