Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib dhaawac ah

Garoowe (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib wadatay Doon, kuwaa oo ciidamada Puntland dagaal kula galay xeebta Eyl ee maamulka Puntland.

Ajaaniibta oo watay Dooni yar ayaa waxaa la socday hal ruux oo Soomaali ah, halka labada ruux ee kale ay kasoo jeedan dalka Yemen.

Laba kamid ah ragga la qabtay ayaa sidoo kale la sheegay inay yihiin dhaawac, halka ruuxa Seddexaadna uu badqabo.

Ciidamada Puntland ayaa Doonida ka helay Agab kala duwan waxaana laga cabsi qabaa in Doonida ay wax u siday Daacishta Somalia, sida ay sheegayaan ilo madaxbanaan.

Geesta kale, Sargaal ka tirsan ciidamada Badda Puntland ayaa sheegay in dhinacooda uu san wax-khasaara ah ka soo gaarin wareerkii ay maanta ku qaadeen Doonida oo si sharci daro ah kusoo galay xeebaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com