Puntland oo ka hortimid qorshe ay DF ka damacsaneyd Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaadacay in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif oo u waramaayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay heleen xogo muujinaaya in Dowlada Somalia ay wado qorsho magaalada Gaalkacyo lagu dejinaayo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Guddoomiye Xasan waxa uu sheegay inay ku biiri doonaan dhinacyada mucaaradka ku ah AMISOM haddii ay dhacdo in Ciidamo ajaaniib ah la keeno magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay aqbalayaan in Magaalada Gaalkacyo la keeno Ciidamo Boolis ah.

“Dowlada Somalia hala laabato qorshooyinka ay qarineyso ee ku aadan in Ciidamo AMISOM ah la keeno  magaalada Gaalkacyo.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili 1 Bishaani Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiis Ciidamo Isku dhaf ah lagu geynaayo magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com