Puntland oo kheyraadka badda Soomaaliya ku iibisay $700,000

Garoowe (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka QM ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea  ayaa lagu sheegay in mamulka Puntland ay in la gurto kheyraadka Soomaaliya ku iiibiyeen lacag dhan 700,000 oo dollar.

Warbixinta kooxda UN Monitoring Group ayaa shaaca ka qaaday in daba yaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan ay dowladda Puntland ruqsad u siisay Markab laga leeyahay dalka Thailand balse sita calanka Jabuuti inuu saddex bil gurto kheyraadka badda Soomaaliya, taa beddelkeeda uu bixiyo lacag dhan 700,000 oo dollar.

Tallaabdan ayaa jebisay sharciga kalluumeysiga Soomaaliya (2014) oo diidaya in laga kalluumaysto wax xeebta Soomaaliya u jira 24 meyl badeed, sidoo kalena mamnuucayey maraakiibta waa weyn ee badda xaalufiya.

Barnaamijka cunnada iyo beeraha QM ee FAO ayaa sheegay in markabka ay Puntland siisay shatiga uu ka kallumeysanayey meel 6 meyl badeed kaliya u jirta xeebaha Soomaaliya.

Bishii March ayaa wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya waxay warqad u dirtay midda Puntland ayada oo diidan shatiga la siiyey markabka MV Chotchainavee, hase yeeshee looma hoggaansamin amarkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale warqad ay u dirtay dowladda Thailand kaga codsatay inay joojiso kallumeysiga xeebaha Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda haddii ay taasi dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com