Puntland oo tallaabo ka qaaday wasiirkii taageeray dhiibista Qalbi-Dhagax

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xilkii Looga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurhan,

Wasiir Bashir ayaa  waraysi uu siiyay Idaacada Maxali ah ku  taageeray  go’aanka Dowladda federaalku  Ethiopia ugu gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jamhadda ONLF.

Wasiir Gurxan ayaa ku  sheegay go’aanka Golaha Wasiiradu in uu ahaa mid masiiri ah, isagoo sheegay inuusan ururka ONLF u aqoonsanayn Jamhad qadiyad Soomaaliwayn matalaysa, balse ay taa baladelkeeda yihiin urur aan hadaf lahayn. Waxaa kaloo uu sheegay in xukuumadda Puntland in uu ku matali karo ka hadalka qadiyada Qalbi-dhagax

Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland  ayaa aaminsan in Wasiir Gurhan uu ka hadlay arrin xasaasi ah, taasi oo dowladda Puntland ayan qayb ku lahayn, shaqona ayan ku lahayn qabashadisii iyo dhiibitiisii Midna, arrintaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga horyimaadeen in Qalb-dhagax loo gacan galiyo dowladda Ethiopia.

Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee dowlada  federaaliga ah ayaa maanta isugu yimid fadhigii u horeeyey tan iyo markii uu baaqdey fadhigii hore ee Sabtidii la soo dhaafey. Ajndaha u weyn ee Xildhibaanada Baarlamaanka horyaala ayaa ah waxay ka yeelayaan go’aanka Dowladda federaalku ka gaartey Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jamhadda ONLF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com