Puntland oo weerar ku qaaday deegaano ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish

Garoowe (Caasimada Online) – Cutub ka tirsan ciidamada dowlad-gobolleedka Puntland ee sida milateriga u tababarran ayaa weerarray deegaanno ay ku sugnaayeen dagaal-yahanno ka tirsan kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee ISIS.

Weerarka wuxuu ka dhacay tuulo lugu magacaabo Urur oo hoostagta degmada Qandala ee gobolka Bari,sida u xaqiijiyay taliyaha ciidamada Daraawishta Puntland Jen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere).

“Ciidamadu waxaa ay weerarren koox Daacish ka tirsan oo dhibaato ku heystay bulshada deegaanka Urur,cagta ayaana la mariyey oo waa laga cayriyey deegaanka.” ayuu yiri Jen Saciid Dheere oo sheegay dowladda inay soo bandhigi doonto khasaaraha weerarka ka dhashay.

Jeneraalka ayaa sheegay inay baxsadeen dagaal-yahannada kooxda ka tirsaneyd,Wuxuu inta ku darray ciidamada Puntland inay wali ku suganyihiin deegaanka ay ka saaren kooxda Daacish.

“Puntland waxay qaadeysa tallaabada ku haboon,waana la dagaallameyna cid walba oo dhibaato isku deyda.” ayuu yiri Jen Saciid Dheere.

Dhammaadkii sanadkii hore ayaa dagaallamayaal Daacish ah waxaa ay ciidanka Puntland ka saaren degmada Qandala oo ay muddo ku sugnaayeen,balse kooxda dagaal-yahannadeeda ayaa wali ku dhumaaleysanaya deegaannada ku dhow degmada Qandala.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com