QM oo ka digtay arrin kusoo wajahan Somalia (Aqri faah faahinta)

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin uu soo saaray maanta oo Arbaca ah  Xafiiska isku duwidda gargaarka arrimaha bini’aadnimo ee QM OCHA, ayaa ka digay abaar mar kale ku dhufata SOomaaliya.

Edem Wosornu , oo ah ku-simaha ku-xigeenka madaxa Xafiiskfa OCHA, Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka cabsi qabaan Soomaaliya in ay ka dilaacdo abaar mar kale.

Waxa ay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha mushkiladaha ugu ballaaran ee bani‘aadnimo ay ka jiraan caalamka maanta la joogo.

Mrs. Wosornu ayaa laakin hoosta ka xariiqday in guulo waaweyn la gaaray, wixii ka dambeeyay abaartii sannadkii hore 2011-kii dhufatay Soomaaliya , hase yeeshee 12 bilood ka dib, weli dhibaatooyin ay taagantahay.
Waxey sheegtay in inkastoo roobab da’ay iyo xadiga gargaarka bani aadnimo ee gaaraya Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ay wax weyn ka tareen ama ay hoos u dhigeen tirada dadkii u baahnaa gargaarka deg degga ah hadana aan la dhihi karin Somalia waxey ka baxday xaaladii bani aadnimo.

Si kastaba, Qaramada Midoobay waxey sheegtay in ku dhawaad 4 milyuun oo qof ay weli gargaar u baahanyihiin.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd waddamo dhowr ah oo ku yaalla geeska Africa, oo sannadkii hore ay ka dilaaceen abaaro xooggan oo dad iyo duunyo fara badan ay ku baaba’een.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi