QM oo difaacday go’aankii ay qaadatay ee ka dhanka ahaa maqaayadda Village

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan caasimada Soomaaliya waxaa dhacaan qaraxyo soo laab laabteen oo lala beegsado dowlada iyo ciidamada Afrika ee Muqdisho ku sugan.

Dhibaatada weerarada qaraxyo mararka qaar waxaa lala beegsadaa xarumaha qaramada midoobe taasi oo halis ku ah marwalbo in laga soo kabto sanado badan oo rabsho iyo bur bur Soomaaliya ku jirtay.

Sidaa darteed qaramada midoobe ayaa difaacday go’aankii ay shaqaalaheeda kaga mamnuuceen inay ka cunteeyaan maqaayad ku taalo Airport-ka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay UN-ka looguna digaayo shaqaalaheeda inay maqaayada gudaha Airport-ka ku taalo ka cunteeyaan ayaa lagu sheegay in labo weerar qarax oo horey loogu qaaday maqaayada The Village oo dhaceen July 2016 iyo Janaayo 2016 ay dad badan ku wax yeeloobeen.

Waxaana looga digay shaqaalaha UN-ka inaysan The Village ka cunteynin ayadoo laga cabsi qabo in qaraxyo kale maqaayadan lala beegsado.

Cassandra Nelson oo ah Af-hayeenka qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayadoo la hadleesay Alleastafrica waxay tiri “UN-ka wuxuu si joogto ah kaga taxadiraa halista ku imaan karto shaqaalaheeda guud, waxaana wax walbo ugu muhiimsan nabad galyada iyo amaanka shaqaalaha si shaqaalaheeda u bad baadaan xili walbo”

Cassandra Nelson sidoo kale waxay beenisay hadalka kasoo yeeray saxaafada gudaha Soomaaliya oo sheegeen in qaramada midoobe ay The Village shaqaalaheeda ugu diiday inay ka cunteeyaan ayadoo garab siineyso maqaayado kale oo loolanka dhinac kaga jiraan.

Cassandra Nelson waxay tiri “Wax aqoon ah uma lihi ganacsiga laga hadlaayo, waxaan idiin xaqiijin karaa in digniinta qaramada midoobe shaqaalaheeda siisay aysan arimo ganacsi ku lug laheyn”

Laakiin Ahmed Jama oo iska leh maqaayada The Village oo la hadlay Alleastafrica wuxuu yiri “Arinkaan oo dhan wuxuu salka ku hayaa loolan ganacsi, waxaana dhab ahaantii digniintan ka dhanka ah maqaayadeyda loogu xaglinaa ganacsiga Talyaaniga iyo reer Yurub ka wadaan Muqdisho kuwaas oo ka xun maqaayadeyda sare u kaca ganacsi ay sameeneyso”

Balse Af-hayeenka Ms. Cassandra eedeynta Ahmed Jama wey ku gacan seertay waxayna tiri “Marar kala duwan ayaan maamulka maqaayada kala hadalnay halista soo wajihi karto, madaama aan helnay xogo ku aadan halista amni daro ee goobta ka jirto welina wey taagan tahay halistii aan shalay maamulka kala hadalnay”

“Kaliya gudiga la talinta amaanka qaramada midoobe waxay shaqaalahooda kaga digiin halista ku imaan karto balse anaga ma dhihin gabi ahaanba ganacsiga goobta ka jiro hala xiro”

Laakiin Ahmed Jama hadalka Af-hayeenka qaramada midoobe kuma qancin wuxuuna yiri “Waxay isku da’yayaan inay ganacsigeyga bur buriyaan ayagoo mar marsiyo ka dhiganayaan arimo nabad galyo, halkaan waxaan u imid inaan dalkeyga dib u maal galiyo, waxaana kasoo tagay dhamaan ganacsigii aan UK ku lahaa”

Soomaalida oo dhan kuwa gudaha ku sugan ama kuwa daafaha caalamka joogaan dhamaan si careysan ayay kaga jawaab caliyeen digniinta ka dhanka ah ee qaramada midoobe kasoo jeedisay adeeegsiga shaqaalaheeda maqaayada The Village waxayna u arkaan arin ganacsiga Soomaalida lagu ragaadinaayo.