Qarax aad u xoogan oo goordhow laga maqlay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag waxaana lasoo warinayaa in loo adeegsaday Gaari.

Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa meel ku dhow dhow goobta uu Qaraxa kadhacay oo ah Xarunta Degmada Howlwadaag.

Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya halka uu Qaraxa kadhacay, waxaana xusid mudan in gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay gaarayaan goobta Qaraxa.

Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran waddooyinka gala xarunta oo lasoo dhigay ciidamo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com