Qarax baabuur oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in in qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay meel aanan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Jazeera oo sidaas aanan kaga fogeyn Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna ahaa qarax lagu xiray gaari uu watay ruux la sheegay inuu taksiile ahaa.

Dad ka agdhaw Garoonka Aadan Cadde, ayaa inoo sheegay in la qarxiyay gaari Taksiile uu watay, halkaasina uu ku geeriyooday ruuxii Taksiilaha ahaa ,waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray qof kale oo gaariga Saarnaa.

Taksiilaha geeriyooday ee gaarigiisa qaraxa loogu xiray ayaa magaciisa lagu sheegay Mahad, wuxuuna ahaa nin caan ka ah taksilayaasha ka shaqeysto garoonka diyaaradaha .

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaasi oo baaraya sababaha keenay in Ruuxaan Taksiilaha gaarigiisa Qarax loogu xiray iyo cida ka danbeysa.