Qarax Ismiidaamin ah oo ciidamada AMISOM lagula eegtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa Goor Dhow ka dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedow,waxaana la sheegay in Qaraxa lala Beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu Geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana Dadka Qaraxa ku dhintay ku jira Dad Shacab ah oo goobta

Qaraxan oo ahaa Ismiidaamin ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM lagula eegtay degaanka Weedow xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo AMISOM .

Qof ka mid ah dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkaayay gaari NOAHA oo ku Qarxay Meel banaan oo barxad ah markii ay gudbeen Ciidamada AMISOM

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo ruuxii waday gaariga ismiidaamiyay.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.

Ciidamada AMISOM ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa ka yimid dhanka wadada Afgooye, waxaana ay u soo socdeen Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com