Qarax khasaaro ka dhashay oo lagu weeraray hoyga xildhibaan

Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyaad aan heebtooda la garaneynin ayaa weerar Qaraxyo ah ku qaaday Hooyga Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Xildhibaankan ayaa la sheegay in lagu weeraray Bam Gacmeedyo xili uu ka maqnaa Hooygiisa, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga magaalada Jowhar.

Qaraxyada lagu weeraray Hooyga Xildhibaanka oo inta badan laga maqlaayay magaalada Jowhar, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu khasaaro kasoo gaaray qeyskiisa.

Xildhibaanka gurigiisa lagu tuuray bam gacmeedyada, ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Bashiir Qaasim Daqare.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Marwada Xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa kadib markii Qaraxa uu ka dhex dhacay Hooyga.

Sidoo kale, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in weerarkaasi looga shakisan yahay maleeshiyad maalmahaani ku cusbaa magaalada oo lagu dabajiray.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay Qaraxa waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobaayo shaqsiyaadka ka danbeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com