Qaraxa culus oo goordhow ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimada Somalia.

Xiliga uu Gaariga Qarxaayay ayaa waxa uu maraayay laamiga u dhaxeeya degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, waxaana la sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Khasaaro.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qarax uu ka dhashay gaari wadada marayay oo ahaa nooca raaxada, waxa ayna sheegen in Gaariga uu la socday hal ruux oo Qaraxa loogu xiray.

Sargaal katirsan ciidanka DF ayaa sheegay in hal qof ku dhintay qaraxaasi ayna wali wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa uu qaraxan yahay iyo qofka ku dhintay qaraxaasi.

Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka ayaa iminka ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay oo ah laamiga u dhaxeeya degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari ee wadada buundooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com