Qaraxiii isgooyska Soobe ka dib maxaa nala gudboon?

Akhristayaasha iyo akhyaarta qiimaha lahow, waxaan ku mashquulsanaa inaan soo diyaariyo maqaal ku saabsan shirkii Kismaayo waxa ka soo baxay, anigoo hore uga dhiibtay fikirkayga baryahii uu socday shirkaas, maqaalkaygana ugu magacdaray “maxaa ka qaldan madaxweynayaasha maamul goboleeedyada…”. Laakin waxaa igu dhacay anfariir iyo jahwareer markii uu dhacay qaraxii nasiibdarada ahaa oo ay ku dhinteen dad aad u tira badan oo aan waxba galabsan, waan ooyay, laakin waxaan ogaaday in la ooyaa ay waxba kordhinaynin, waan isciil biday laakin waxaan gartay xiligeed in la joogin, dhiiga inuu igu karo mooyaane. Waxaan aad ugu mahdiyey dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan sida ay ugu midoobeen dhacdadaan nasiib darada ah iyo waddamo kale oo walaalo, jaar ama saaxiibadeen ah, ha ugu horeeyee aabaheen/walaalkeen Erdogan iyo shacabka Turkiga.

Sidoo kale aad waxaa u shaqeeyey madaxdeena, dhalinyaradeena iyo haweenkeena oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii wax looga qaban lahaa dadkii ku waxyeeloobay musiibadii dhacday oo ay fuliyeen kuwo aan laheen diir bani’aadan, kana naxriis daran doorjoogtada.

Iyadoo lagu mashquulsan yahay gurmad qaran, ayaan la yaabay kuwa maandaran oo doonayo inay kaga faa’idaystaan musiibadaan dhacday dano siyaasadeed  iyagoo dhaliil u soo jeedinaya dawladda maanta jirta. Kuwaan waxay garan waayeen maanta inay tahay maalin la doonayo shacab, xukuumad iyo mucaarad inay ku midoobaan gurmadka loo fidinaayo dadkii ku waxyeeloobay musiibadaan iyo qoysaskii ay ka baxeen kuwii dhintay, si loo badbaadiyo caruurtii agoomowday, hooyadii gablantay, gabadhii ku weyday saygeed ama walaalkeed, caruurtii ku waayey hooyadii ama aabahii u soo qaraabi jiray iwm.

Bal aan dib ugu soo laabto cinwaanka maqaalkaan oo ah “Qaraxii isgooyska soobe ka dib maxaa nala gudboon”.

Dhacdadaan waxay ka mid noqotay nolol maalmeedkeen inkastoo tani ay ka duwan tahay kuwii hore u dhaci jiray. Waxaan ku waaynay kumanaan aqoonyahan, hooyooyin, culumaa u diin, waxgarad iyo nabadoono. Waxaa cad in duulaan lagu yahay dadka indhaha noo ah, kaba daranee iminka maatidii ayaa loo soo dhigtay. Hadaba maxaa nala gudboon inaan samayno ileen Ilaah wuxuu naga dhigay ummad jirta, waxaane loo baahan yahay inaan tashano.

Anigu waxaan soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran (waa dhaci kartaa inaan khaldanahay laakin waxaan cabirayaa caqligayga halka uu i gaarsiiyo):

  1. Banaanbaxyada ku wajahan cambaareenta waan ka daalnay, waxbana noogama kordhin, haddaba waxay ila tahay in la qabanqaabiyo banaanbaxyo lagu habaaraayo kuwa dhibaatada noo geestay, waxaane rajaynayaa inuu Ilaah (SW) uu naga aqbali doono, waayo Rasuulkeena (CSW) wuxuu noo sheegay qofka la dulmay ducadiis inuu Ilaah aqbalaayo. Kuwa na dulmaayo waxaan hubaa inuu Ilaah (SW) uu naga qaban doonaa haddii aan habaarno In Shaa Allaah. Waayo dadkaasi faraha badan oo dibadbaxa samaynaayo waxaa ku jiri kara addoon saalax ah oo Ilaah ducadiisa aqbalaayo.
  2. In la garab istaago dawladda lagana shaqeeyo sidii loo baabi’in lahaa arxanlaawayaasha, waayo anaga ayey nagu dhex jiraan xogtoodana si fudud ayaan u heli karnaa, ileen ujeedku inuusan eheen dawladda jirta sidii loo dumin lahaa, laakin ay tahay sidii noola baabi’in lahaa way , taasina iminka way noo muuqataa.
  3. In dawladdu ay dardar geliso dhisidda ciidan tayo leh oo u dhan dhammaan waxyaalaha ciidan ay u baahan yihiin (sida mushaharka, noloshooda kale iyo qalabkooda), si aan uga maarano kuwa ajaanibka ah loona soo celiyo xurmadii aan laheen.
  4. Dawladda iyadoo kaashanayso shacabkeeda waa inay dagaal saf balaaran ah ku qaaddaa meel walba ay joogaan arxanlaawayaasha, haba ugu horeeysee degmooyinka ku dhaw dhaw magaalda Xamar.
  5. Waa in laga mamnuucaa gawaarida xamuulka inay dhaqdhaqaaq ku sameeyaan magaalooyinka maalintii loona ogolaado habeenkii oo qudha. Waan ogahay taasi inay caqabad u keeni karto dhaqdhaqaaqa ganacsiga laakin waxaa jirta maahmaah oranaysa “haddii aad weysid sidaad doonaysid waxaa la sameeyaa sidaad ka badi weysay”, ileen markaan waxaa loo soo dhigtay nafteena.
  6. Laamaha sirdoonka iyo aminga guud ahaan waa inay badiyaan xuuraansiga, si xog loo helo
  7. Waa in gacan bir ah lagu qabtaa shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha. Taasi ma aha in cadaadis la saarayo laakin waa in la ogaadaa dhaqdhaqaaqa lacagaha iyo gudaha ku xawilayaan iyo diiwaangelinta lambarada ay bixinayaan kuwa isgaarsiinta.
  8. Laamaha sirdoonka waa inay heli karaan nidaam lagu kontaroolo teleefoonada laysku dir. Tani way keenaysaa in la dhagaysan karo kuwa looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan argagaxisada.. Dunida horumartay way sameeyaan arinkaan si loo ilaaliyo ammaanka guud ahaan loogana hortago musiibadaan oo kale inay anaga ama dariskeena ku dhacdo.

Waxaan warkeyga ku soo gabagabeenayaa Soomaaliyey aan iska dayno qabiilka oo aan u tafo xeedano sidaan anaga isku badbaadin laheen, dalkeenana wax ugu qaban laheen.

Wabillaahi towfiiq

Qore: Eng. C/casiis C/qaadir