Qatar oo wacad ku martay inay Soomaaliya siin doonto lacagaha ay Sacuudiga ka hakisay

Doha (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa si KMG ah u hakisay dhaqaale xoogan oo dhawaan la sheegay in loogu deeqay dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhaqaalahani oo markii hore uu amray boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, ayaa dib loo hakiyay kadib mowqifka ay Somalia ka qaadatay xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.

Lacagtaani oo cadad ahaan la sheegay inay dhan tahay 50 milyan ayaa lagu xanibay Bankiga Sacuudiga, xili uu bixinteeda uu amray boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, oo dib uga laabtay amarka bixinta lacagtaasi.

Haddaba waxaa soo baxayo xog muujineyso inay dowladda Qatar dhexda u xiratay isla markaasna ballan qaaday inay buuxin doonto booskii ay Sacuudiga baneysay ee ahaa ballan qaadkii lacageed.

dowladda Qatar oo iyaduna hore u ballan qaaday inay Miisaaniyadda ka taageereyso ayaa la sheegay inay taageero dhaqaale u balanqaaday dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaan dhibaato xoog leh ku noqon doontaa Sacuudiga oo isku dayeysay inay Soomaaliya Qatar xiriirka u jarto iyadoo isticmaaleyso lacag.

Dowladda Soomaaliya weli jawaab cad kama aysan bixin xogtaan soo baxeyso ee ah inay Sacuudiga hakad gelisay lacagtii ay Soomaaliya ugu deeqday iyo midda kale ee ku saabsan inay Qatar buuxin doonto booskaas.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
Caasimada@live.com