Qeybtii 2-aad ee warqadihii Osama Bin Laden: Sir ku aadan sidii ay Al-Qaacidda ula kulmi jirtay hoggaamiyayaasha iyo dadka kale

Muqdisho (Caasimadda Online) intii la socotay waxaan dhawaan idiin bilownay musalsal ku aadan waraaqo Document ah oo uu ka tagay Osaba Bin Laden.

Qeybtii Koowaad ayaan horey idinkugu soo gudbinay oo aan uga hadalnay waraaq Document aheyd ee uu Obsama u diray Wiilkiisa Hamza.

Maantana waxaana qeybta labaad kusoo qaadaneynaa:

Warqad Hindiso Ku Aadan Sidi Abu Yahya Lagula Kulmi Lahaa

Page 1:

Kasoo jawaab celin hindisaha lagu dalbaday in Abu Yaha lagula kulmaayo

Kani waa fariin ka timid Abu Yaha oo ku aadan soo jeedintii ahayd inaad la kulantid, waayo aniga xitaa codsigaan xili hore ayaan u jeediyay, waxaana jawaabta ka helay maalmo ka hor, waana kan qoraalka uu soo diray:

Arinka ku aadan inaan ku kulano furanta hore, waxaan ka cabsanaa iyaga waxa ay ka cabsanayaan waxaana u balan qaadayaa ayaga arin laakiin ma damaanad qaadi karo 100% inaad balankaas kasoo bixi karo.

Waayo balankasto waxaan loo oofin karin xaalada kacsan ee Pakistan ka jirto, waxaan Alle ka baryaa ku halista nagu ah inuu naga qabto, waxaana muhiim ah inaan arinkaan si taxadir ku dheehan uga hadalno gaar ahaan Idaacadaha oo si qaldan walaalaha wax uga baahinayaan, mana u dul qaadan karo midaas.

Sida darteed arimahan taagan awgeed kulan ma qaadan karno mana laga wada hadli karo wax walbo caqabado badan oo muuqdaan awgeed.

Waxaa wax walbo ku xalin karnaa hadii kulankeena uusan dhici karin walaalaha safka hore joogaan in 20-su’aalood la weydiiyo oo ay soo qoraan kuna aadan arinka aan sare ku xusay.

Waa inay su’aalaha usoo qoraan sida ay u kala muhiimsan una kala horeeyaan kadibna ay soo diraan, kadibna waxaan ka dooraan doonaa 10 ilaa 15-su’aalood oo ay waqtigooda ku bixiyeen kadibna waxaan kasoo jawaab celin doonaa mudo bil kadib, waa hadii daruufaha ay ii ogolaadan inaan soo jawaab celiyo.

Hadii aan sidaas sameyn waayo sabab kasto awgeed, fariin ahaan ugu sheeg inaan la kulmi karin, waana in arinkaan la sameeyaa ayadoo lagu dhawaaqeyn ama saxaafada la adeegsaneyn, balse hadii kulanka ay iyaga si gaar u qabsadaan qoraal ama sawir kasoo baxo markaas dhib malahan waa wax ay isku waafaqsan yihiin.

Hadii aad rabtiin inaad Pakistaan ku kulantiin, waxaan Alle idin kaga baryaa inuu isaga idin xafido, waadna u sheegi kartaa hadii ay sidaas raali ku yihiin, waana sugi doonaa jawaabtooda iyo fikradahooda, Alle dhamaantiin si wacan ha idiin abaal mariyo.

Waxaan u maleynaa fikrada inay waadix taahy.

Sidoo kalena digniintiisa ku aadan in wax walbo lagu dhawaaqo ama la buun buuniyo wey cadahay ayaan filaa.

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Nabad Galyo Korkiina Ha Ahaato.

FIKRAD:

Waxaan doonayaa in mid ka mid ah walaalaha inuu inoo soo diro, waxa uu soo aruuriyay fikradaha walaalaha bishii hal mar, Tusaale ahaan.

Waxaan ula jeedaa Mujaahid si joogto ah hawsha ugu dhex jiro in shaqadaas loo xil saaro.

Waa inoo soo diraa warqadaha iyo fikradaha uu furunta kasoo aruuriyay, sidoo kalena uu kasoo warbixiyaa tababarada iyo casharada walaalaha la siiyo iyo kuwa ka faa’iideesteen.

Laakiin waa inuu hogaamiyaasha la wadaagaa xogta uu soo aruuriyay si ay go’aan ka gaaraan waxa la tir tiraayo iyo waxa la daabacayo, waxay noqon doontaa dadaalka ugu wanaagsan.

Sidoo kalena hadii ay jirto arin ay qabaan walaalaha mujaahidiinta ajinabiga ah, tusaale ahaan walaalkeen Abu Yunis oo waxa uu soo aruuriyay Af Jarmal ku qoraayo, waan aqrin doonaa waana turxaan bixin doonaa luqad ahaan kadib ayaan daabici doonaa.

Sidoo kale waa la mid ah walaalaha ku fiican qoraal ahaan Ingiriis, Faransiis wax walboo ay soo qooraan waan aqrin doonaa waana turxaan bixin doonaa kadibna waa la daabacaa wax dhib ah malahan.

Idinka Alle, midaan waxay noqon doontaa dadaal weyn oo saameyn leh kana imaaday walaalaha waxayna kusii dhaqaajin doontaa midaan inay Jihaad badan ka qayb qaataan.

Sidoo kale hadii xaalada inoo ogolaato, kulan qoraaleed ayay la qaadan doonaa walaalka mujaahidka ah ee loo xil saaro soo aruurinta xogaha.

Page 2:

Qoraal Wato Ciwaanka “Kulan Lala Qaadanayo Mujaahid”

Waxaan ula jeedaa fikrado badan ayaa jiraan oo la heli karo, sidoo kalena waad kasoo talo bixin kartaa kuwo la mid ah.

Waxaan aan leeyahay waxay tahay inaan rabno inaan ku xirnaano isbiiridka iyo fikridaha jihaadka ku aadan kadibna aan jaceyl u qaadno si aan diinkeena ugu dhimano, dagaalkana aan uga qayb qaadano Alle dartiis.

Waxan xasuustaa arimaha dhiiri galinta mujaahidiinta inaan ka aqristay  al-Banyan al-Marsus iyo al-Mujahid iyo al-Murabitun iyo wargeyso kale, waayo kuwo faa’iido inoo leh sidoo kalena saameyn xoogan ku leh walaalaha.

Sidoo kale hadii mid ka mid ah walaalaha uu bilaabo inuu wax ka qoro walaalaha nafsadooda u waayeen difaacida diinta Islaamka sida walaalaha Pakistan ku sugan kadiba uu soo daabaco tani waxay noqon doontaa arin aad u wanaagsan.

Sidoo kale aad ayay u wanaagsanaan laheyd hadii Shaykh Abu Yahya iyo walaalaha kale ee gabyaasha ah inoo diraan gabayo ku aadan kicinta iyo dhiiri galinta walaalaha mujaahidiinta ah iyo xusida kuwii Alle dartiis naftooda u waayeen.

Waxaan dooneynaa inaan sameyno saxaafad Jihaadi ah, waxaana rabnaa dadka iyo mujaahiniinta inaan isku xirno, madaama ay iyaga soo qorayaan sheekooyinkooda iyo waxa la xariiro noloshada furnta dagaalka.

Tani waxay noqon doontaa mid saameyn wanaagsan ku yeelato Muslimiinta sidoo kalena ka careysiio caddowga.

Sidoo Kale Waxaan Rabnaa Haweenka Muslimiinta Ah Inaan La Xariirno:

Waxaan rabaa inaan la kulano hooyo wiilkeeda shahiiday, haweenay seygeeda mujaahid ah, haweenay raadineyso inay diinta Islaamka nafteeda u hurto, gabbar aabaheed ka xiran yahay ama marwo seygeeda ka xiran yahay iyo wixii la mid ah.

Waxaan ula jeedaa hadii dhinacaan aan xooga saarno inay aad u wanaagsan tahay wax badana naga caawin karaan.

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@