Qeybtii 3-aad ee warqadihii Osama Bin Laden: Warqad Xasaasi oo uu Atiyah U Diray  Abu Basir

Muqdisho (Caasimadda Online) intii la socotay waxaan dhawaan idiin bilownay musalsal ku aadan waraaqo Document ah oo uu ka tagay Osaba Bin Laden.

Maantana waxaana qeybta labaad kusoo qaadaneynaa:

Warqad Atiyah U Diray  Abu Basir (Letter from Atiyah to Abu Basir.)

Asc,

Walaalka igu qaalga ah Abu Basir,

Salaam,

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku wargaliyo qof walbo oo halkaan joogo inuu wanaagsan yahay, sidoo kale daawashada aqbaaraadka Yemen idinka Alle dhawaan aqbaar fiican ayaad maqli doontaa.

Sida guud aqbaaraadka ku saabsan shacab weynaha Carabta kacdoonka ay wadaan waxaan Alle keu weydiineynaa inuu ku caawiyo, ku xoojiyo sidoo kalena rajada waxay tahay in kacdoonadaas ay sababaan in la waayo dolwada Yahuudiga ah ee umada Muslimiinta ah ku dhex jirto.

Sidaa darteed Alle ayaan kaga mahad celineynaa inuu tirtiray labadii kaligii talis ee ka jireen Tunisia iyo Masar. Halkaan Al-Qadhafi, sheydaanka weyn wuu baqanayaa sidoo kalena xukumadiisa wey sii bur bureysaa inkastoo uu diidayo inuu is dhiibo taasi oo sababtay ciidamadiisa iyo sheydaamada la shaqeeyaan inay dadka cirka iyo dhulka ka duqeeyaan.

Laakiin Alle dadkiisa meel cidlo ah kama tagaayo, Alle wuu taageeri doonaa dadkiisa wuuna xoojin doonaaa waana aragnaa waxa ka socdo Liibya inay dan weyn ugu jirto Muslimiinta.

Liibya hada diyaar ayay u tahay jihaadka, madaama ay tahay goob muhiim ah waxay noqon doontaa hal ah jihaadistayaasha kaga duulaan Algeria, Saxaraha, Sudan, Darfur, Chad iyo Afrika inteeda kale.Sidoo kalena waa marin nagu xiraayo Masar iyo Tunisia,

Dhawaanahan wey bilaawdeen kacdoonada ka jiraan Syria iyo Urdun sidoo kalena waxaan helnay aqbaar wanaagsan oo ku aadan in walaalaha Liibya ay bilaabeen inay si saxan isku abaabulaan, waxaan halkaas ka hawl galayaan walaalaha  al-Jama’ah al-Muqatilah, kooxo kale iyo walaalaha Tunisia oo iyagana garab siinayaan.

Waxa aan usoo jeedinaayo walaal Abu Basir waxay tahay inay walaalaha ka fogaadaan qilaafyo kale inay xiligaan dhexda ka galaan sida inay la dagaalaan Xuutiyiinta iyo Shiicooyinka.

Hadii ay rabshad iyo fowdo dhacdo waxay ku wanaagsan tahay Yemen oo aan kaga faa’iideesan karno si aan u qaarijino kuwa musuq maasuqa wadaan.

Waxaan u maleynaa walaalaha Yemen ee mujaahidiinta ah in haatan fursadii ugu wanaagsaneyd ay heestaan, micnaha bur burka dowlada dan weyn ayaa ugu jirto hadana walaalaha awood ayay ku leeyihiin dalka.

Hadii Alle uu garab istaago sidoo kalena uu ka caawiyo inay maamulaan dalka xiliyada soo socdo waxay awoodi doonaan inay halkaas ka dhisaan maamul Islaami jihaad doon ah, kaasi oo walaac iyo carro ku abuuri doono Mareekan iyo xulufadooda sida Sacuudi oo kale.

Sidoo kalena guul ayay u noqon doontaa Soomaalida iyo dhamaan dadka gacanka cadmeeed ku nool iyo anaga oo dhan.

Talada ugu daacadsan ee aan ku siinayo waxay tahay inaad ka fogaatiin rabshad kasto iyo hagar daamo kasto oo caddowga idin kaga imaaneyso, waxaana noogala baahan yahay inaan noqono kuwo shacabka saaxiib la ah sidoo kalena siyaasad xeeladeesana adeegsadaan sidoo kalena aan iska fogeeno waxybaaha aan loo baahneyn sida ku dhawaaqista saldanadan iyo wax la mid ah.

Waxaa muhiim ah in mujaadihiinta ay noqdaan kuwa maamulka iyo awooda iska leh sidoo kalena ay ku dhaqmaan dadkana ku hagaan shareecada Islaamka sidoo kalena calanka Jihaadka sare usii qaadaan.

Sidoo kale waxaan soo jeedinaa in qabiilada laga taxadiro sidoo kalena ahmiyad la siiyo lana shaqeeyo maamulada qabiilada ee ka jiraan goobaha aad joogtiin, ganacsiga in sare loo qaado lana daryeelo badda iyo walaalaha Soomaalida ah.

Alle ayaa mahad iska leh waxaan awoodnay inaan Mareekanka  daalino sidoo kalena mustaqbalka awood uma lahaan doonaan inay wax kale sameeyaan.

Walaaha qaaliga ah waxaad wajaheysaan door weyn sidaa darteed Alle ayaan idiin baryeenaa inuu karti iyo awood dheeraad ah idin siiyo, anaga diyaar ayaan idin kula nahay talo kasto iyo adeeg kasto oo aan idiin qaban karno.

Maskaxda ku haaya la xariirada walaalaha Soomaaliya inay muhiim tahay, kana taxadira badda, sidoo kalena sameeya ciidamo badda ah oo muhiim ah waxaan ula jeedaa maraakiib, burcad badeed iyo kuwa dadka tahriibiya si looga hortago. Ha hilmaamina inaad marwalbo caawinaad ka heli doontaan walaalaha kale ee  ku sugan goobaha kale.

Wax fikrad ah maka heysaan xaalada dalka Bahrain? Bal ka waran dadaalka halkaas ka jiro iyo in Rafidhah uu dagaalka halkaas gaarsiiyay, hadii ay sidaas dhacday maxaa nala gudboon inaan sameyn? Sidoo kale bal karan Saudi Arabia  fadlan ila soo socod sii waxa aad halkaas ka ogtahay ama kala socotid inay ka jiraan.

Ka hor inta aan qoraalka warqadeyda soo gaba gabeynin, waxaan aad kuugu boorinaa inaad ka taxadirtid kana feejignaatid nabad galyada iyo amaanka taasi oo quseyso hogaamiyaasha iyo walaalaha, waayo Ameerikaanka jaajuuskooda, diyaaradahooda xaalad kasto ayay ku shaqeyn karaan.

Dambiilayaashaas qorshahooda wuxuu yahay inay dilaan ama ay qabsadaan hogaamiyasheena meel walbo oo ay ku sugan yihiin sidaa darteed yaan wax fursad ah la siinin, marwalbana ku tiirsanaada Alle isaga idiin caawin doono.

Fadlan igu salaan hogaamiyaasha iyo walaalaha.

Asc,

Waa walaalkaa Atiyah

22 Rabi’ Al-Thani 1432