Qeyla dhaan laga soo saaray askarta dib ugu laabta dumarka ay ilaalada u yihiin

Nairobi (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxootiga (UNHCR) Angelina Jolie waxay Munaaasabadda kala qeyb gashay gabdhaha Qaxootiga ee aanan lala soconin Waalidkood ee ka soo firxaday Dagaallada Sokeeye ee ka dhacay Qaarada Madoow.

Ergayga Gaarka ee UNHCR, ahna Jilaa ka tirsan Shirkadda Filimada ee Hollywood waxay booqatay ugu yaraan 20-gabdho oo lagu hayo guri amaan ah oo ku yaalla Caasimadda Kenya ee Nairobi, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia, D.R.C, South Sudan, Burundi iyo Rwanda.

Hadal ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegaya in inta badan gabdhahaasi ay soo mareen khibrado la xiriira Tacadiyada Galmoodka, iyadoo gabdhahaasi badankooda ilmo dhaleen, kadib markii ay Kooxo Hubaysan kufsadeen.

Ergayga Gaarka ee UNHCR, Angelina Jolie waxay sheegtay in Tacadiyaaasi ay geysteen rag ku labisan Labiska Askarta, kuwaasi oo loogu talagalay inay ilaaliyaan Gabdhaha Qaxootiga ee ay u galmoodeen.

Waxay intaasi ku dartay inay Tacadigaasi mas’uul ka yihiin kuwa labisan Dharka Askarta.

Bishan June 20-da waxaa sanad kasta loo dabaal-degaa Maalinta Qaxootiga Caalamka, iyadoo Malaayiin qof oo Qaxooti ah ku dac-daraysan yihiin Xerooyinka Qaxootiga ee Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com