Qeylo dhaanta reer Muqdisho iyo Qaabdarran u dhaqanka qurbo joogta

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay gacan ku heynta guud ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa soo badanayey dadka dibadaha ka imanaya ee soo gaaraya caasimadda kuwaas oo safarkoodu wejiyo badan lahaa haba ugu badnaadeene kuwo dowladda jagooyin ka doonayey, kuwo daneynayey inay dalkii maalgashtaan, qaar qoysaskooda halkaa ku nool soo booqanayey iyo qaar kale oo ay ka ahayd dalxiis inay mar uun indhahooda ku soo arkaan caasimadii dalka oo ay in mudo ah moogaayeen.

Imaatinka kooxahan kala duwani waxa uu keenay saameyn wanaag iyo xumaan intaba leh oo dadka Muqdisho ku nool ay in badan ku sheekeystaan, Si walba oo ay u yar yihiin inta xumaanta wada mar walba waa ay ka dhex muuqanayaan inta kale ee wanaaga wada waayo Soomaalidu hore ayey ugu maahmaahday bada hal malaay ayaa qurmiya.

Waxyaabaha ugu hadalheynta badan ee dadka reer Muqdisho markaad la xiriirtid ay kaaga sheekeynayaan waxa ay tahay in dhalinyaro dumar iyo rag u badan oo ka yimid qurbaha ay dhooban yihiin xeebaha xamar iyo hoteelada kuwaa oo in badan oo ka mid ah ay beri hore xishoodkii iyo dhaqankii suubanaa ka tageen, taana ay u dheer tahay been fara badan iyo faan. Hablaha Muqdisho oo inta badan lagu yaqaanay asturnaan xaga dhar xirashada ah ayaa waxaa ka yaabiyey gabdhaha qurbaha ka yimid oo iyaga oo madax qaawan xirana dhar jir ahaan muujinaya cawradooda ay dhex dabaalanayaan ragii, Waxaana taasi ay gaartay in xitaa muumuladii degmooyinka gobalka Banaadir iyo ciidamadda nabadgelyadu ay arintaasi ka hadleen.

Dhowaan ayaa gudoomiyaha degmadda Cabdulcasiis ee gobalka Banaadir ayaa ka dhawaajiyey in ay ku howlan yihiin ciidamo ilaaliya anshaxa dadka u soo dabaal tegaya xeebta Liido ee gobalka Banaadir, waxaana taasi ay ku tusineysaa heerka ay gaartay qeylo dhaanta ka soo yeeraysa shacabka Muqdisho ku dhaqan.

Mid ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho ku sugan ayaa iiga sheekeeyey in xitaa qaar ka mid ah hoteelada waaweyn ee Muqdisho markii uu yimaado ee uu doonayo inuu dego ruux qurbaha ka yimid ugu horeynba la weydiinayo inta habeen ee uu halkaa jiifayo kadibna marka uu sheego lacagtii gebi ahaan laga hormarsanayo, Waxaana saxafigaasi uu taa ku macneeyey in milkiilayaasha hoteeladu ay ka aamin baxsan yihiin dadka qurbaha ka soo qulqulaya oo ay markii hore u hormareen intoodii laalaabka badneyd, waxaana taa ay ka yaabisay in badan oo ahaa dad wanaagsan oo qurbaha ka yimid oo dareemay in halkaa ay hore ugu rafteen kuwii ka horeeyey.

Magacyo badan oo kala duwan ayaa looga yeeraa kooxahaasi marka Muqdisho dhexdeeda la joogo waxaana tusaale u soo qaadan karnaa magaca dayuusbare oo ka yimid (diaspora) oo qurbo joog ama dad dalkoodii dibadda kaga maqnaa ah, laakiin markii hab dhaqankoodii loo bogi waayey eraygii sidaa loo badalay.

Maandooriyayaasha kala duwan ayaa Muqdisho ku soo badanaya, waxaana marar badan la maqlaa ciidamada boliiska oo qabtay qamri, laakiin aqristoow ma qiyaasi kartaa cadadka uu la eg yahay qamriga aaney boliisku nasiib u yeelan inay qabtaan ee la isku gudbiyo, Waxaa soo baxaya oo weliba soo badanaya kooxaha maandooriyayaasha Muqdisho ku iibsada iyadoo la sheego in dadka iibsada iyo kuwa iibinaya ay taleefano ku kala dalbadaan kuna balamaan meel ay isla og yihiin.

Inkastoo ay jiraan talaabooyin ay dowladdu qorsheyneyso inay ka qaado kooxahaas anshax darada iyo maandooriyaha ku lugta ah ee soo badanaya ayaa hadana shacabka Muqdisho waxa ay dowladda marar badan warbaahinta u mariyaan dalabkooda ah in talaabooyinkaas la dedejiyo inta aaney caruurtoodii yaryareyd badweyntaasi dhex maquuran.

Ugu dambeyn waxaa la gudboon qof waliba oo Muqdisho ku nool ama dibadaha ka soo booqday sida ay nabaduba muhiim u tahay in looga wada shaqeeyo akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan.

Jabriil Cabdulle Macalin (Jabra) jabraa77@hotmail.com Stockholm Sweden