QM iyo Somalia oo iska kaashanaya wax ka qabashada xadgudubyada galmada ka dhanka ah haweenka

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgubyada galmada ee ka dhaca goobaha colaadaha ayaa barnaamija ,ayaa xiriiryahay arrimaha jinsiga ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha UNFPA Maxamed Mursal ,wuxuu sheegay inay wadaan dadaalo ay wax kaga qabanayaan xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

Maxamed Mursal ayaa xusay in Hay’adda UNFPA ay dhawaan ka hirgalin doonto shaybaar cusub oo ka waacin kara ciidamada booliiska inay baaraan xadgudyada galmada ee ka dhanka ah haweenka Somaaliyeed.

“Waxaan ka hirgalin doonaa Somalia shaybaar(forensic lab) ku cusub Soomaaliya iyo guud ahaan qaarada Afrika kaasi oo  booliiska ka caawin kara in ay cadeeyaan in eedaysanuhu uu yahay mid gaystay eedaha loo haysto” ayuu yiri Maxamed Mursal isagoo u waramayay barnaamijka Tubta nabadda ee Todobaadlaha ah.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqaynayaan sidii loo samayn lahaa shuruuc lagu xakamaynayo xadgudubyada galmada ee loo gaysto haweenka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la diyaariyay hindise sharciyeed qabyo ah kaasi oo la horgayn doono golaha wasiirada iyadoo ugu dambayn loo gudbin doono baarlamaanka.

19ka Juun ayaa ah sanad walba la xusaa maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudyada jinsiga ee ka dhanka ah haweenka ee ka dhaca goobaha colaadaha.

Hoos ka dhageyso