Halista Somalia uga soo wajahan ciidanka Imaaraadka ka qorto Muqdisho

Imaaraadka Carabta waxa ay bixiyaan qeyb ka mid ah gunooyinka ciidamada militariga xooga dalka iyagoo fulinaya siyaasadooda Geeska Afrika, Inta badan ciidamadda Imaaraadka uu qarashka ku bixiyo waxa uu siyaa tababaro ka duwan kuwa dowladaha kale ay u tababaraan Somalia, iyagoo ciidamada ku tashkiiliya inay yihiin ciidamo si toos u hoos taga dalka Imaaraadka .

Khatarta Imaaraadka waxa ugu badan balanqaadyo ay ciidamada u sameeyaan sida deganaasho iyo fiisooyin bilaasha iney ku tagi karaan dalkooda, waliba ay awood u yeelan karaan mustqbalka iney guursadaan dumarka dalkooda.

Arintan ayaa waxa ay dhiiri galin u tahay dhallinyarada ay u qortaan qaab ciidan.

Ciidamada inta badan waxa ay ku cadaadiyaan iney qataan siyaasadda ay la damacsan yihiin oo ah iney si toos u hoos tagaan taliskooda, kii diidana waxa ay ka eryaan tababarka.

Ujeedada ayaa ah in ciidankan loo isticmaalo awood ka baxsan tan dowladda Soomaaliya, waxayna khatar ku tahay ammaanka dalka; waayo ciidamo aanan hoos iman taliska qaranka waxay noqon karaan ciidan Imaaraad.

Hadaba arrimahan ayaa looga gol-leeyahay in lagu qal-qal galiyo qaranimada umadda Soomaaliyeed iyo in lala diriro qaran Soomaaliyeed.

Safaarad xebeedka ay Imaraadka ku leeyihiin Muqdisho , waxay cabsi ku tahay Somalia iyadoo anan laga warqabin waxa ay lasoo dagi karaan waqtiyada xiliyadda habeenkii.

Ka sokow danaha fog ee faragalinta iyo saldhigyada Berbera, Imaraadka waxa uu xifaal-tan kula jiraa danaha Turkiga ee Somalia isagoo marwalba ku mashquulsan in Turkida laga saaro Somalia! Imaraadka horey waxa uu ku guleestay in Iiraan laga saaro Somalia si aynaan danihiisa u wiiqmin.

Doorka Imaaraadka qaranimada Soomaaliya waa khatar u baahan siyaasad cad oo aanan laga sii fakirin.

Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumada cusub haddii ay sii fiirsadaan gunooyinka yar yar ee ay bixiyaan Imaaraadka oo aanan la iman siyaasad dheela tiran oo Imaaraadka lagu yareynayo siyaasadooda, waxa ay keeni kartaa qal-qal siyaasadeed iyo mid ammaan.

Somaaliya waxa ay la daala dhaceysaa danooyin isdiidan Geeska ilaa iyo Beriga Dhexe walow ay u dheer tahay danaha reer Yurub; waa murugo ku baaheysa gayiga Geeska Afrika oo ah mandiqad laga cabsi qabo iney u kala go’do dowladdo yar yar sida uu yahay (vision)-kooda.

Imaraadka hub ayuu gooni u siiyaa Maamul goboleed kasta, Berbera waa uu la wareegay, Ciidamo ayuu qoranayaa, siyaasadiina waa uu u-yeerinayaa.

Siyaasiyiintu waxa ay kala dooranayaan dalxiiska iyo laalushka Imaraadka Carabta ama waxa ay noqonayaan hogaamiyayaal qaran.

W/Q: Xuseen Anteeno
Fallanqeeyee-Siyaasadeed
twitter: @HusseinAnteeno