XOG: Qorshaha maamul goboleed ka kooban 3 gobol oo ka socda Ethiopia

Siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ku sugan dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo qorshaha dhismaha maamul Goboleedka South West State (Maamul goboleedka Koonfur Galbeed).

Maamul goboleedkan ayaa ka koobnaan doona saddex gobol oo kale ah, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ayaa magaalda Godey kula shirsan saraakiil Ethiopia ah oo ku gacan siinaya dhismaha maamulkan, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Dadka hormuudka u ah maamulkan wxaaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Sheikh Adan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Wada hadallada u socda Ethiopia iyo Saraakisha Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ah kuwa hor dhac oo lagu gorfeynayo qaabka uu u dhismayo maamulka ka hor inta aan si rasmi ah loogu fariisan shirka dhismaha maamulka.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in sababaha Ethiopia ay ugu lug leedahay mamaulkan ay ka mid yihiin, ayada oo laga raadinayo awood milatari iyo mid siyaasadeed, maadama Ethiopia ay mar walba saaxib dhow la ahayd beelahaas.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanak Somalia Shariif Xasan Sheikh Adan ayaa isna la sheegay inuu wado dhismaha maamul goboleed laga unkayo gobolladaas, inkasta oo aysan caddeyn in labada maamul ay isku qorshe yihiin iyo inay laba dhinac u kala jeedaan.