Xog: Qudub oo diidan xildhibaan Cabdiraxman Dheere, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Awqudub- Sheekhaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa si cad uga hortimid hanka Xildhibaan Cabdi Raxmaan Dheere uu ku doonayo in dib uu u helo kursiga xildhibaanimo ee beeshaasi, oo uu soo hayay muddo sided sano ku dhowaad ah.

Waxgaradka, aqoonyahanada iyo dhalinyarada Beesha oo dhowaan shirar ku yeeshay Muqdisho, Kismaayo iyo Nairobi ayaa ku eedeeyey xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mid aan wax dan ah u qaban beesha oo xaqoodii si cad loo dhacay.

Beesha Qudub-Sheekhaal ayaanan wax xaq ah ku yeelan maamulka Jubbaland, waxaana taasi ka mas’uul ahaa Xildhibaan cabdi Raxmaan Dheere oo noqday shakhsi dano gaar ah lagu fushad,  balse aanan garanin dantii tolka uu u hayay.

Xildhibaan cabdiraxmaan Dheere oo dhowaan si hoose ula hadlay odoyaasha beesha qudub ayaa u sheegay in suura gal ay tahay in uusan isa soo sharaxin, maadamaa uu ogaaday in laga nacay tolka.

Waxa ay ku eedeeyeen in uusan xil iska saarin xalinta mashaakilaadka beesha dhexdeeda, iyo horumarinta degmada Kaxda uusan wax gurmad ah ka geysan dhibaatada ka jirta, iyo in sidoo kale fadhiyada barlamaanka qaranka uusan ka ahayn xubin muuqata oo ay dhacdo inuusanba ka qayb galin shirarka barlamaanka ee looga hadlayo danta qaranka, oo kursiga xildhibaanimada ay noqotay oo kaliya mid uu ku helo hanti umadeed iyo in uu ugu adeego isbahaysiga Damul Jadiid.

Ugu dambeyntii waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada beesha Qudub-Sheekhaal ayaa go’aan ku gaaray inay ku bedeli doonaan shaqsiga ay u arkaan inuu mudan yahay islamarkaana ka madax banaan kooxa diimeedyada soomaaliya qaska ka wada, islamarkaana u shaqeyn kara guud ahaan qaranka gaar ahaan beesha oo wax badan ku dayacneed siyaasadda dalka iyo nidaamka saami qaybsiga dowladnimada soomaaliya.

Dhowaan muqdisho waxaa isugu yimid 21-ka odoyaal ee matala jufooyinka beesha Qudub-Sheekhaal , dhamaantood ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Dheere in uusan isku soo sharaxin xilka, si ay u keenaan shakhsi kale oo danaha reerka ka shaqeeya.

Xildhibaanka waxa uu kamid yahay dhowr xildhibaano oo kaliya latabo marka la doonayo in mooshin laga keeno Raysul wasaarayaasha Dalka.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com