Qurbaha & Doorka maqan ee Aabaha (Sheeko xiiso leh: Wiil iyo Aabihii)

Mudo iminka laga joogo sannad iyo badh ayaan boggaga internetka ee Soomaalida qaarkood ku qoray maqaal aan ciwaan uga dhigay “Aabo La’aanta Qoysaska Qurbaha”. Ujeedada ugu weyn ee aan ka lahaa maqaalkaasi waxa uu ahaa in bulshada Soomaalida ee qurbaha deggan aan ku baraarujiyo asbaabaha keenay in aqalo badan oo ka mida aqalada Soomaalida ee qurbuhu ay ahaadaan aqalo aan aabo joogin. Waxa kale oo aan ku soo bandhigay maqaalkaas dhibta ka iman karta arinkaas. Mar labaad ayaan jeclaystay in aan ku noqdo mawduucan sababtoo ah mudadii intaas ka danbaysay maalinba maalinta ka danbaysa waxa soo if baxaya in doorka aabaha Soomaaliyeed oo si toos ah ama si dadban uga baxay dhismaha qoyska Soomaaliyeed (khaastan kuwooda ku nool wadamada Galbeedka) uu ka mid yahay waxyaabaha asaaska u ah dhibaatooyinka Soomaalida deggan wadamada Galbeedka.

Aabo .. Saacad waqtigaaga ah maad iga iibin!!

Waxa la soo wariyay in uu jiray aabo waqtigiisa oo dhan galiyay xoogsi aduun. Waqtigiisu waxa uu u qaybsanaa waqti uu shaqeeyo iyo waqti uu hurdo. Goor hore waqti ay caruurtiisu hurudaan ayuu aqalka ka ka bixi jiray. Wuxuuna soo noqon jiray xili ay caruurtiisu seexdeen. Inkasta oo aabahaa iyo caruurtiisu ay isku aqal ku noolaayen hadana way adkayd sida ay isku arkaan.

Habayn habaynada ka mida ayaa inan ka mida inamadiisii uu aabihi sugay ilaa uu ka soo hoyanayay. Inanku waxa uu u soo jeeday in uu aabihii u soo bandhigo arin(in mudo ah) culays wayn ku haysay. Aabihii markii uu aqalkii soo galay waxa uu arkay inankiisii oo xili danbe suggaya. Doodan soo socota ayaa dhex martay aabihii iyo inankiisii:

Aabo: (oo yaaban) Aabo waa 12 kii habaynimo ee maxaa caawa xiligan ku soo
jeediyay.

Inan: Aabo waan seexan Kari waayay!

Aabo: Aabo siday wax u jiraaan miyaad xanuun sanyasaa?

Inan: Aabo maya ee arin aan rabay in aan in muddo ahba ku waydiiyo ayaan la seexan Kari waayay!

Aabo: Aroorta ayaynu ka sheekaysan arinkaas…waan daalanahay iminka ee aabo orod seexo! Berito ha inoo ahaato Insha Allah (waanu iska sii dhaqaaqay).

Inan: Maya, aabo ma seexan karo caawa ilaa aan jawaab u helo arinkan?

Aabo: (Aabihii oo xanaaqsan) waa maxay su’aashaadu?. Dhakhso! maantoo dhan baan soo shaqaynayay …. waan daalanahay barina shaqo ayaa i sugaysa ee… bal soo daa su’aashaada!

Inan: Aabo su’aashaydu waxa weeye..…. saacadii imisa doolar ayaad horta ku shaqaysaa?

Aabo: (isaga oo ka yaaban su’aasha inankiisa) arinka aad la seexan wayday ma kaas baa aabo?!

Inan: Haa.. aabo su’aashaas ayaa I wareerisay oo hurdada ii diiday!

Aabo: (isagoo wali yaaban) labaatan doolar ayaan saacadii qaataa ee maxaad ka rabtaa lacagta aan sacadii ku shaqeeyo!

Inan: (lacag yar oo uu uriyay ayuu shandad yar oo uu sitay ka soo saaray) aabo laba doolar ma i siin kartaa?

Aabo: (oo cadhaysan) arinka aad la seexan wayday ma in aad laba doolar I waydiisataa (labdii doolar ayuu u soo tuuray markaas buu yidhi) waa inoo beri ee orad seexo.

Inan: (Lacg yar oo uu ururiyay intuu ku daray labdii doolar ee aabihii siiyay ayuu aabihii u taagay oo uu ku yidhi) aabo hoo $20 ….oo saacad waqtigagaa ah iga iibi.

Doorka Maqan ee aabaha qurbaawiga ah:

Sheekadani in kasta oo ay tahay mid la khayaaliya hadana waa mid soo gudbinaysaa sawir kamida xidhiidhka ay qaar ka mida aabayaasha Soomaaliyeed la leeyihiin ubadkooda. Intoodii fiicanayd waaba inta ku mashquushay shaqo iyo xoogsi. Kuwaas waaba loo garaabi …laakiin sidee loogu garaabi inta badan ee ay aqalkoodii iyo tarbiyadii caruurtooda ay ka mashquuliyeen makhaayadaha kofeega lagu cabo (ee siyaasada lagaga doodo) iyo goobaha qaadka lagu cunaa?

Meelaha ay ku kulmaan ragga Soomaalidu ee lagaga doodo siyaasada geeska aynu ka soo qaxnay waxaad arki iyadoo meel la kala fadhiisto aanay jirin…laakiin marka ay timaado meelaha lagaga hadlo dhibaatooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah waxuun baad la kulmi hooyooyin(iyaguna haba yaraadeene). Iskuuladii cida caruurtii gacanta haysaa waxa ay u badan yihiin dumar. Macaamadihii Quraanka caruurtii waxaa keeni hooyo. Barmaamijyada caruurta iyo qoysaska meelaha lagaga hadli waxaa soo buuxin dumar. Meelihii cibaadada iyo khayrkii ragii waa ku yaraadeen.

Hadaba Su’aashu muhiimka ah ee aan ku soo gabagabayn maqaalkaygani waxa waxa weeye ma siyaasada geeska iyo goobaha sheekada ayaa odayaasha qurbaha ku nool kala waynaatay tarbiydaynta, barbaarinta caruurata iyo hogaaminta qoysaskooda. Waa su’aal aan jawaabteeda u dhaafi aabo kaste oo qurbaawi ah!. Maqaal kale ayaan ku eegi doonaa doorka aabahu uu ku leeyahay tarbiyaynta caruurta.

Siciid Cali Axmed
E-Mail: said.ali.ahmed@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan