Rabshado Xaley Iyo Saaka Ka Dhacay magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa tan iyo xaley magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ka dhacay rabshado xooggan, oo daba socday markii xaley lagu dhawaaqay doorashadii golayaasha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay lix qof-kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadii xaley ka dhacay xaafadda Axmed Dhegax ee magaalada Hargeysa.

Wariye ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in xaallada magaalada ay deggan tahay, walow mar kasta la filan karo rabshado.

Xaley ayaa golaha doorashada golayaasha deeganka magaalada Hageysa ay ku dhaawaqeen sida ay ukala heleen natiijada doorashadii dhacday bishii hore labada xisbi iyo shanta urur siyaasi ee ka dhisan maamulka Somaliland.

Dad careesan ayaa xaley dhagxaan ku tuuray bilayska magaalada Hargeysa, waxana dadka mudaaharaadka dhigayay ay ka tirsan ururka Xaqsoor oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ka dhisan Somaliland.

Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Jimco ah, waxana meelaha muhiimka ah la dhigay ciidamo bilays ah oo aad u hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa