RADDIN SHUBAHAT- (Dilkii Khulufa’u Rashidiin & Dagaalkii Jamal).

Qormadani waa mid kamid ah silsiladda taxanaha ee raddinta shubahadka lagu lumiyey umaddeenna caamada ah. Waxaana u sabab ahaa qormooyin dhowr ah iyo suaalo fara badan oo naga soo gaaray mid kamid ah umaddaasi la duufsaday. Qormadani waxaan ugu talo galnay inay u noqota cashar, oo xaqiiqda ay ugu iftiinta shaqsigaasi iyo inta la halmaala ee lagu duufsaday shubahaadkasi, iyo kuwa lagu ridi doono dabinnada noocaas ee u nugul arrinkaas, hadduu Eebbe kheyr la doono wuu kusoo noqon doonaa towxiidka Islaamka, haddii kalena wuxuu noqon doonaa xaabada Jahannama, towfiiqduna waa xagga Alle.

Shubahada u baahan inaan uga jawaabna oo aan ku riddina ninkaasi ayaa waxay tahay dhowr mowduuc, laakiin maadama ay tahay taxana maanta waxaan kusoo qaadan doonnaa qodob ciwaankiisu yahay Dilkii khulafaa’u Rashidiin iyo Dagaalkii Jamal. Asaga ayaa u qeybiyey qodobkaasi dhowr qodob oo hoose, inana waxaynu samayn doonnaa inaan sidaas uga wada jawaabna faqradaha qodobkaasi oo dhan hadduu Eebbe idmo.
Wuxuu oranayaa qodobkan iyo faqradihiisa waxay ka mid tahay 500 sababood oo uu sheegey inaanu nebi Muxammad (NNKH) u noqon karin nebi. Aqristayaal adinkaa yaabi doono markaad aragtaad waxyabaha uu oranaya uma suurtoobaan nebinimada nebi Muxammad (NNKH), waa qodobadan iyo wax lamid ah ama kasii liita, taasoo caddeyneysa qofkaasi heerka uu jahliga kajooga maanta. Laakiin waa mid nagu waajib ah inaan ka jaahil bixinna oo aan uga jawaabno, ma ahan in la yiraahda kaasi maxaa looga jawaabayaa ama la yasa jawaab celintiisa, waayo waxaaba suurto gal ah in Ilaahay ka badbaadiya naarta uu kusii jeeda oo xaqa uu usoonoqdo, Eebbana waa dembi dhaafe naxariis badan.Waa kuwan qodobbada uu inoosoo qorey
b. Fatima ninkeedii, Ali, oo ahaa shakhsigi labaad ee diinta Islaamka soo gala (Kahdiija ka dib) islamarkaana uu Maxamad usoo koriyay sida wiilkiisi oo kale, ayaa dagaal ahliya la galay ciidan ay soo diyaarisay Aisha, naagtii maxamad naagihiisa ugu jeclaa oo uu kuna tilmaamay “waa naagti naag [Ilaahay abuuray] ugu wanaagsaneyd” [Hooyadii mu’miniinta]. 10,000 oo muslimiin ah ayaa hal dagaal lagu dilay; dagaalkaas oo dhacay 25 sano gudahood in ka yar dhimashadii maxamad ka dib.
 
c. 3 ka mid 4tii khaliif ee noqday hoggaamiyaashii ugu horreeyay ee muslimiinta (ee loogu yeeri jiray ‘Khulafaa’ u raashidii’) waa la dilay oo seeftey ku baxeen. Khaliifka 3aad (Othman) waxaa dilay rag gacan saar la lahaa wiilki uu dhalay khaliifki koowaad (Abuubakar). Wiilkaas Abuubakar dhalay laftiisi waxaa dilay Khaliifki 5aad Muawiyah, markuu dilay buu meydkiisii ku duubay harag dameer dhintay dabadeedna gubay. Khalifkaas 5aad, Muawiyah, waxa kaloo uu sumeeyay dabadeedna dilay mid ka mid ah wiilashii Maxamad awoowaha u ahaa (Hasan ibn Ali). Wiilki labaad ee Maxamad awoowaha u ahaa (Hussein) waxaa madaxa ka gooyay khaliifkii 6aad oo ahaa Yazid ibn Muawiyah.
 
d. Dagaallada dhexdooda iyo awood ku loolanka u dhexeeyay xubnihii ugu dhowaa qoys ahaan Maxamad, asaxaabtiisii ugu dhoweyd iyo carruurtoodii waa sii laba lixaadsadeen. 50 sano in ka yar dhimashadii Maxamad kadib, xataa kacabadii (dhagaxa madoow) ay dadka dhagxaha ilaahda ka yeesha caabudi jireen qarniyo badan, laakiin ay si nabad ay ugu cibaadeysan jireen, waa la burbriyay oo waxay ku burburtay dagaallada ay muslimiintu dhexdooda ka wadaan.

Qodobkan faqradiisa (b) sida aad uga jeeddaan waa hadal isku dhex yaacsan oo is burinaya, beenna ay ka buuxda. Ugu horreyn nebi Muxammad (NNKH) haddii uu soo koriyey Cali bin Abii Taalib marna uma soo korinin sida uu u soo koriyey Zayd oo kale oo kama wiil yeelan, sida wiil uu dhalay, balse wuxuu usoo koriyey sida walaalkiis oo kale, waayo walaalo ayay ahaayeen ilma adeera ah.

Dagaalka aad xustay ee dhexmaray labada ciidan waxay ku habbooneyd arrinta inaad aqoon buuxda u lahaan lahayd taariikhdaasi. Anigaa taariikhdaasi kitaab weyn ka qorey oo kasoo min guuriyey kutubbada ugu waaweyn xagga taariikhda sida kan Ibn Kathiir (Al Bidaayahwan nihaayah) iyo sida kan Dabari (Taariikh umam walmuluuk). Asagoo Soomaali iyo Carabiba waad heli kartaa kitaabkaasi, inaad taariikhdaasi akhrisatidna way kugu fiicneyd, ee maahayn inaad warqadda lagu soo siiyey ee shubbahada lasoo shirtagta.

Dagaalkaasi waxaa la oran jirey ”Dhacdadii Jamal”, waxaana loogu magac daray awr ay saarnayd Caa’isha markuu dagaalkaasi dhacayay, kaasoo dagaalka lagu boqno jaray si uu u istaaga.

Sababta dagaalku wuxuu ahaa markii fitna wadayaal khawaarij ahaa ay dileen Cuthmaan bin Cafaan amiirkii labaad ee Muslimiinta (khaliifkii saddexaad ee khulafaa’u raashidiinka) ayaa Muslimiintii Madiina ay la mubaayacoodeen Cali. Dalxa iyo Zubayr iyo rag kaloo kamid ahaa raggii saxaabada ugu weynaa ayaa Cali kula taliyeen in nimankii diley Cuthmaan xadka laga oofiya oo la dila, Calina wuxuu ku andacoonayay inaanu waqtigaasi awood u lahayn oo nimankaasi ay magaalada Madiina aad ugu badan yahiin, wuxuuna ka codsaday raggii saxaabada ahaa inay kala shaqeeyaan marka hore in dowladdu caga dhigata oo kadib xadka laga oofiya marka awood buuxda loo hela.  Zubayr iyo Dalxa arrintaasi kuma aanay farxin iyo fitna wadayaashii diley amiirka Mu’miniinta ay magaalada Madiina iska dhex joogaan, balse Cali ayay ka codsadeen inuu u fasaxa si ay Makka u aadaan oo cumra usoo gutaan.

Haweenkii nebiga (nnkh) oo sanadkaasi fidnada ka cararay, oo aaday xajka, ayaa waxay ku kulmeen xajka saxaabada badan oo kamid ah qaarkood kuwii ka yimid Madiina iyo kuwa qaarkood uu Cali ka casilay masuuliyaddii goballada. Caa’isha baa markaasi iyada usheegtay in la raadiya dhiiggii Cuthmaan oo la dila raggii ka dambeeyey. Saxaaba badan uu kamid ahaa Cabdillaahi ibnu Cumar iyo hooyooyinkii mu’miniinta- xaasaskii nebiga (nnkh) ayaa isaga haray Caa’isha uun mooyaane. Basra markay ku dhawyahiin ayaa ciidamadii Cali oo kuwajahnaa Shaam waxay maqleen ciidama Makka ka yimid oo dul degen Basra, dhankoodii buu usoo leexday, kadibna erga ayuu  u direy (Al Qac Qaac bin Camr), dabeetana Al Qac Qaac ayaa howshii soo dhammeeyey oo kusoo dhameeyey in ciidamadan ay laabtaan, arrinkana looga dambeeya amiirka mu’miniinta. Cali markii intaas loosoo sheegey oo labada ciidan isu soo dhawaadeen isna dhex galeen, biyaha isla cabbayeen, isla sheekeysanayeen, baa habeenkii subaxiisa lakala raran lahaa wuxuu u khudbeeyey ciidamadiisii. Ciidamadisii waxaa kudhex dhuumanayay rag kamid ah fidna wadayaashii diley Cuthmaan ee khawaariijta ahaa. Wuxuu  u sheegey inaanay habbooneyn in ay raacda cid ka qeyb qaadatay dilkii Cuthmaan, wuxuuna usheegey in labada ciidan ay mid yahiin.

Arrintaas bay habeenkii dhan ka shirayeen Khawaariijta ayagoo ka cabsanaya hadday umaddu is raacda inay tahay hoogooda oo la wada layn doono, sidaa daraaddeed bay isku raaceen aroor hore inay labada ciidan kala dhex galaan oo dagaal huriyaan. Sidaas ayuu dagaalkaasi ku bilawday, Caisha waxay lacnadday raggii huriyey dagaalka, Calina sidoo kale. Dagaalka markuu dhammaaday, baa Cali uu  u tegey Ca’isha wuxuu siiyey awr iyo sahay, wuuna soo salaamay, wuxuuna ku daray wiilkay habarta u ahayd iyo walaalkeed Muxammad, Madiina ayuuna u direy.

Ugu horreyn waxaad ogaataa inaanu dagaalku ahayn dagaal dhex maray Caa’isha iyo Cali. Sidoo kale waxaad ogaataa inaanu ahayn dagaal dhex maray ciidama ay hogaaminayeen Zubayr iyo  Dalxa iyo Cali oo dhan ah. Bal ee wuxuu ahaa dagaal ay huriyeen niman fidna wadayaal ah oo rabay inay tooda u fusha waana u hirgashay.

Waxaa taa caddeynaya hadalkii Cali uu dagaalkaasi ka yiri markii la diley Dalxa ”Wallaahay!! Xassanoow!! waxaan jeclaan lahaa aabbahaa (aniga Cali ah) inuu maalintan ka hor dhinta 20 sano”.

Yacni markuu sidaa lahaa Cali wuxuu dul taagnaa meydkii Abuu Muxammad Dalxa bin Cubaydillaah, isagoo ka xun waxa kudhacay oo hadalla amaan ah u jeedinaya Dalxa buu ereyadaasi ku cataabay.

Zubayr ninkii soo diley (Camru ibn Jarmuus)  baa Cali u yimid oo ku yiri ”Bishaareysa amiirkii Mu’miniintoow!!, waxaan soo diley Zubayr”. Markaasuu Cali yiri ”Ku bishaareeysa naar holac badan, maxaa yeelay nebiga (NNKH) ayaan maqlay oo leh ugu bishaareey naar ninkii dila ina Safiya (Zubayr)”.

Sidoo kale laba nin oo kamida ciidamadii Cali ayaa ku eedeysay fidnada kacday Caa’isha, markaasuu Cali la hadlay Al qacqaac oo amray in midkiiba uu 80 jeedal ku dhufta. Isagoo oranaya (Cali) wallaahay waa hooyadii Mu’miniinta, ee xaaskii nebigiinna (NNKH) ee adduunka iyo aakhiraba”.

Hoog bay lahaatay Colhayoow!! waxa aad ka tiri dagaalkan iyo waxa aad ku durtayba, saa maxaa yeelay waa wax aadan taariikheeda aqoonba ulahayn oo aad uun maqashay, ama warqad yar laguugu dhiibey (sida aan ka fahmaya aqoonta aad u leedahay). War hooge meesha tan wixii aad sheegtay maahe wax kalaa yaal. Wixii aad diinta Islaamka ku durtayna beri bay ka tahay oo waa hortaada iyo Baybalka aad xeradiisa kudhacday.

Waxaa kaloo uu sheegey saddex khaliif oo kamid ah afarta Khaliif oo la dilay dartooda inaanay diinta Islaamku xaq ahayn. Wuxuu u sameeyey jiilkii koowaad ee ugu horreeyey ee ku xigay nebiga (NNKH) baaba is diley, sidee bay marka tani xaq ku noqoneysaa diintan? Fikirkaas ayuu Colhaye qabaa, asagoo ka dhoohan in nebiya badan oo keeney risaala Rabbaani ah ayaga naftooda la diley, Muxammad (NNKH) waxaaba la diley kuwii isaga ka dambeeyaye.Bal ka warran, Zakariya iyo Yaxyaa, iyo Ishaciyaah? Sow nebiyadii la diley maaha ee iyaga risaalada keenay? Maxay tahay sababta aad ula yaabaysa raciyada nebiga ee isaga ka dambeysay ee la diley, ee aad u oranaysaa diintani hadday xaq tahay mala dileen khilaafna ma imadeen?Ma ahan warkani war aan aniga dusha kaa saaraya, waayo adigaa tiri 500 oo sababood dartood nebi Muxammad (NNKH) ma ahan nebi. Markii aad shanta boqol soo gudbineysayna qodobkani baa ku jirey aad leedahay waxaa la diley khulafadii ka dambeysay saddex kamid ah tiiyoo aad leedahay khilaaf bay ku baxeen.Yaxyaa Callayhis Salaam muxuu ku baxay oo loo diley siduu xusaya Baybalka? Nebiya badan oo la dilayna?Ka warran haddii aan ku dhaha in saddexdaasi qofood (Cumar, Cuthmaan iyo Cali) in la dila waxay caddeyneysaa nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH)”.
Nebiga (NNKH) isagoo Abuu Bakar la hadlaya wuxuu yiri ”Waxaan arkay adigoo Jannada iga dambeeya labo jaranjara iyo badh”. Taasoo caddeyneysa intii uu ka nolal dambeeyay. Marna ma tilmaamin nolasha nebiga (NNKH) in Abuu Bakar la dili doono, xadiiska keliya ee tilmaamaya dhimashada Abuu Bakar ee nebiga (NNKH) laga soo weriyeyna waa midkan uu oranaya waxaan arkay adigoo iga dambeysid jannada labo jaranjara iyo badh. Taasoo muujineysa labadii sano iyo badhkii uu ka nolal dambeeyay.

Xitaa Abuu Bakar labada sano iyo badhka markay u buuxsan tahay dhimashada nebiga (NNKH) kadib wuxuu ogaaday inay ajashiisa soo dhawdahay, wuuna isasii qaabeeyey, yaqiin uu yaqiinsan yahay darteeda wixii uu nebigu usii sheegey (NNKH).

Sidoo kale isagoo Cumar iyo Cuthmaanna xaggooda ka hadlaya wuxuu yiri sida kusugan saxiixeynka markii ay nebiga (NNKH) iyo saddexdaba (Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan) ay fuuleen buurta Uxud oo ay la gil gilatay ”Sugnoow!! Uxudeey!! waxaa dushaada saaran nebi, saddiiq iyo labo shahiid (Cumar iyo Cuthmaan)”.

Xagga Calina asagoo ka hadlaya wuxuu yiri ”Dad waxaa ugu sharbadan ninkii boqna jaray hashii nebi Saalix, iyo kan Caliyoow!! adiga ku dili doona”.

Miyaanay tani Colhayoow!! ahayn daliil waafi ah oo muujinaya nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH)? Ma waxaa jira afar shaqsi oo kala duwan wixii ku dhici doono dhowr sano kadib qof sii sheegi kara oo aanan nebi ahayn? Arrinka aad ku durtayse nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH) miyaanay kuu caddaanin inay tahay daliil cad oo muujinaya nebinnimadiisa?

Waxaa kaloo uu Colhaye asagoo jahligiisa cabbiraya uu xusey in wiilashii nebiga mid kamid ah uu diley Mucaawiyah sida aad uga jeeddaan qoraalkiisa, wiilkaasoo uu kusheegey inuu ahaa Xassan bin Calin.

Colhayoow!! Xassan bin Cali waa ninkii mideeyey ciidamadii Muslimiinta ee fidnada ay ka dhex dhacday, waana ninkii khilaafada u dhiibay Mucaawiyah ee isaguna kula mubaayacooday. Mucaawiyana aad buu u jeclaa Xassan iyo Xusseenba oo sharfi jirey, oo sanad kasta markay u wafdiyaan, ama uu isagu magaallada Madiina booqdaba wuu la kulmi jirey oo wuxuu midkiiba siin jirey siismo aad uweyn oo mid siismadaasi lamid ah aanu cid kale weligii siinin. Xassan lama dilin, firaashkiisa ayuuna ku dul dhintay sanadkii 50d ee hijiriga, magaallada Madiinah ayaana lagu aasey, asagoo lagu ag aasay qabrigii awoowgiisii labaad Al Cabbaas ibn Cabdil Mudallib iyo hooyadiis Faatimah Az- Zahraa bintu Rasuulillaah.

Sidaa darteed maadaama aad tiri Xassan waxaa diley Mucaawiyah, kuma oranaya beenloow!! qaa’in ah baad tahay, laakiin waxaan ku oranayaa oo kaliya jaahil dhoohan baad tahay, waayo taas baa ugu fiican wax laguugu cududaaro. Saa maxaa yeeley waxaad la timid arrin aanadba aqoon iyo cilmi toona u lahayn.

Nebigu (NNKH) wuxuu sii sheegey sida werin laga soo weriyey Abuu Hurayrah iyo ibnu Cabbaas ay muujineysa in Xassan oo dhabtiisa saaran uu yiri ”Wiilkeygan yar wuxuu Ilaahay sababtiisa ku mideyn doonaa labo kooxood oo Muslimiin ah”.

Horraantii taariikhda hijriga weeye xilliga uu nebi Muxammad (NNKH) sidaas oranaya, laakiin sanadkii 40d ee hijriga ayay taasi rumowday, markii ciidamadii Xassan oo 60 000 ah iyo kuwii mucaawiyah oo dhowr iyo 40 000 ahaa uu mideeyey, oo mid qura ka dhigey kulana heshiiyey Mucaawiyah togga Al Maskan.

Dhanka Xussein nebiga (NNKH) wuu sii tilmaamay in lagu dili doono dhulka Ciraaq, taasoo mar kale muujineysa dalaa’illada nebiga suubban (NNKH). Dilka Xusseen waa mid u baahan qorma dheer si loo dhiraan dhiriya xaqiiqdiisa, mana u malaynaya inaad daqiiqad yarna wax ka aqrisay dilkiisa, waayo taariikhdaasi iyo wixii lamida ee aad lasoo shirtagtayba waa wax aadan ahal u ahayn. Waan soo koobi doonaa inshallaah, sidii lagu diley iyo cidda dishey.

Xusseen markii lala mubaayacooday Yaziid bin Abii Sufyaan, isagu kama aanu mid ahayn dadkii la mubaayacooday. Reer Kuufa ayaa hadh iyo habeenba u soo qori jirey warqada iyagoo ka dalbanaya inuu u tego si ay ula mubaayacoodaan, asagana inta badan wuu diidi jirey. Markii dambe ayuu Makka tegey kana  baxay oo aaday dhanka Kuufa, hortiisana wuxuu direy ina adeerkiis Maxammad ibnu Caqiil ibnu Abii Daalib, si uu baycada uga sii qaada reer Kuufa. Xusseen markuu soo baxay baa Yaziidna uu arrintaasi ka war heley, wuxuu soo amray ciidamadii Cubeydullaahi ibnu Ziyaad inay ku dhaqaaqaan oo soo qabtaan Xusseen una keenaan Yaziid.

Ciidamadii ugu horreeyey ee ay is arkaan Xusseen waxay ahaayeen fardooley uu hogaaminayay nin la oran jirey Xujr oo markii dambena dhanka Xuseen kusoo biirey. Xuseen wuxuu ka codsaday in uu iska daaya ha iska laabtee, ama in uu iska daaya ha aado dhulalka fog fog ee jihaadkee, ama uu iska daaya ha galo ee Kuufa. Laakiin Xujr arrintaas waa diidey, wuxuuna ka codsaday inuu u geeyo Yaziid, wuxuuna usheegey inaanu Yaziid waxba yeeleyn. Goor ay dooddaasi socota, ayaa waxaa yimidey guutadii koowaad ee ciidamada Cubaydillaah bin Ziyaad, oo uu hoggaaminayay Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas. Aan kuusoo koobee guutadaasi wax kale way diidey inuu Xuseen is dhiibo uun mooyaane, Xuseenna wuxuu aad u kahanayay inuu gacanta Cubaydillaah ku dhaca, wuxuuna guda galay salaad iyo cibaada iyo aqrinta Quraanka wuuna diidey arrinkaasi. Xujur baa ka shallaayay wixii uu sameeyey, markii uu Xuseen ikhtiyaaraadka saddexda ah warsanayay, markii dambena dhankii difaaca Xuseen ayuu ku biirey. Guutadii Cumar bin Sacad baa soo weerartay Xuseen, waxaana diley nin la oran jirey Shammir bin Dii’ Al Jowshan.

Ninkaasi ayuu ahaa ninkii diley Xuseen, ee ma ahayn Yaziid. Markuu maqlay Yaziid dilka Xuseen aad buu uga shallaayay, waana ka murugooday. Waxaa loo geeyey wiilkii uu dhalay Xuseen ee la oran jirey Cali Zaynal Caabidiin ibnu Xuseen bin Cali, markaasuu sharfay oo hanti badan siiyey, kadibna asaga iyo hablihii walaalahiis ahaa u direy Madiinah.

Haddiise Colhayoow!! Xuseen la dila maxaa ku jaban oo ay ka dhimeysaa nebinnimada nebi Muxammad (NNKH)? Saa adiguba waxaad aaminsan tahay Allaah oo ka weyn nebi Muxammad (NNKH) in wiilkiisii ay dileen qoladii loo direy yacni reer banii Israa’iil (Subxanallaah!! Alle waa ka hufan yahay waxa aad kusheegteen, mana dhalin ilma, mana yeelan xaas). Sidee bay idinkugu weynaaneysaa dilka Xuseen oo aad u oranaysaa haddiiba la dilay Islaamku ma ahan diin xaq ah, oo waa diin khilaaf? Caqliga waxyar kaasha, cilmi diin haddaad wax ku fahmi weyday.

Waxa aad tiriyoo idil waa macluumaat khalad ah oo aanan jirin, kuna sugneen kutubbada siyarka iyo diinta Islamka. Bentuna waa sheey xaaraan ah, anugu kuma oraya beenloow baad tahay, laakiin sidii aan horey kuu dhahay uun baan markalena ku oran, waxa kani jahli baa kuugu wacan, ee Ilaahay asagaa awoodda lehe iftiin aad uga baxda jahligaasi ha kusiiya. Sababta ugu weyn ee aan isugu xil qaamay inaan kuu jawaabo waxay tahay markii aan arkay heerka jahligaada, iyo halka aad ka taagan tahay, baa waxaa iisoo baxday inaadan ahayn mid kutalagalay in uu umad fasahaadiya oo habayaraatee caqli iyo cilmi leh. Sidaa daraaddeen markaan aqriyey waxbaaha aad cuskaneysa, waxaan doorbidey inaan kuu ifiya intii Ilaahay uu i waafajiya. Wax kaloo lalayaabase oo aad iisooqortay oo u baahan in la raddiya waa dhiman yahiin. Waana hubaa qofkastoo caqli saliima leh, ama aqoon diineed leh inuu kugu  qosli doono marka aan soo bandhigna qodob qodob wixii aad soo qortay.

Waxaad kaloo xustay in wiilkii Abuu Bakar (Muxammad bin Abii Bakar) uu ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan (khaliifadii saddexaad iyo amiirkii labaad ee Mu’miniinta). Maxammad wuxuu lasocday ciidamadii ka yimid Masar ee diley Cuthmaan, wuuna ku jirey kalana qeyb qaatay go’doomintii Cuthmaan, laakiin hal kitaab oo qoraya ma jira dilkii Cuthmaan inuu ka qeyb qaatay. Intaanan Cuthmaan la dilin ka hor ayuuna Maxammad isaga baxay kooxdaasi oo uu weliba kula teliyey inay ninkaasi faraha isaga qaadaan.

Sababta uu Muxammad ibn Abii Bakar uga haray kooxdaasi waxay ahayd, mar buu u galay Cuthmaan intaanan la dilin kahor, markaasuu gadhka qabtay oo ku yiri ”Ilaahay nagama yeeli doona maalinta Qiyaama madaxdayadii baan maqallay oo na lumiyey”. Markaasuu Cuthmaan yiri ”Maandhoow!! waxaad qabatay meel uu ka xishoon jirey aabbahaa inuu qabta”. Markaasuu isku yaxyaxay oo orad uga baxay kana codsaday raggii kale inay iska daayaan Cuthmaan. Taa waxay caddeyneysaa inaanu Muxammad bin Abii Bakar ka qeyb qaadanin dilka.

Si kale aan kuugu dhigee, rag badan oo usoo qalab qaatay inay nebi Muxammad (nnkh) dilaan baa dib ka wanaagsanaaday oo Islaamay oo misna kamid noqday tobankii Jannada loogu bishaareeyey qaarkood. Waxaa kamid ahaa raggaasi Cumar bin Khaddaab. Maxaad moodday toobadda nin dili rabay nimaanan ahayn nebi oo marka dambena ka soo laabtay arrinkaasi, kana qoomameeyey?

Dhanka kale, maxaa ku jaban haddii uu Muxammad ibnu Abii Bakar dilka Cuthmaan ka qeyb qaadan lahaa, ma waxay taasi dhaawici lahayd Abii Bakar maadaama uu dhalay wiilka, mise nebi Muxammad (nnkh) maadaama uu yahay nebigii risaalada keenay?

Wiil miyaanu xumaan karin aabbaha oo wanaagsan? Sidee buu ku dhintay wiilkii Nuux ee la maasheeyey asagoo gaallima kudhintay, aabbahiina uu ahaa nebi wanaagsan?

Waxaa kaloo aad xustay in Muxammad ibn Abii Bakar uu diley Mucaawiyah bin Abii Sufyaan, waayo waxaay tiri Mucaawiyah baa diley khaliifkii shanaad.

Colhayoow!! tani markale waxaad ku caddeyneysaa Jahligaada aqooneed ee aad lasoo shirtagtay maanta. Mucaawiyah bin Abii Sufyaan ma dilin Muxammad bin Abii Bakar. Qisada aad xustay ee ah in la gubayna waa kuqoran tahay kutubbada laakiin mahan qisa sax ah waa qisa qariib ah, sida kutubbada ku cad, kuna sugan sil siladda lagu soo weriyey.

Ninka diley ee lasoo weriyay mahan Mucaawiyah bin Abii Sufyaan khaliifkii shanaad ee Islaamka, balse wuxuu ahaa nin aanan khaliif ahayn, oo la oran jirey Mucaawiyah bin Khadiij. Sanadkii 38d ee hijriga inay ahayd ayaan filayaa markii Masar lagu diley.

Waxaasoo idil sida aad u tiri maahan, waana wax aanan jirin waxa laguu soo min guuriyey. Haddii aad caqli leedahay ku laabo kuwii warqadaha kusoo siiyey oo kula dood waxa aad immika aragtay ee xaqiiq ah. Dhab ahaan way kuu garaabi doonaan inaad cabqari tahay, aanan la qiyaami karin, laakiin qabbaltuda aad tiri haddaad kusii sugnaato, jahligii uun baa kuusii labo jibbaarmaya. Quraankana waa inoo sheegey dadka caynkaasi ah haddii xataa xaqa la tusa waxay kasii qaadaan dhega la aan iyo indhaha la aan iyo mugdi inay sii dhex muquurtaan. Anuguse ma is lihi Colhayoow!! kuwaasoo kalaad tahay, waayo kuwa sidaasi lagu tuhmaa ugu yaraan waxaa lagu fishaa cilmi yar. Laakiin adiga jahli baan kugu fishay taas baanna keentay inaan waqti badan kusiiya si aan kaaga shaafinna boogaha laguu geystay. Towfiiqduna waa xag Alle.

Sidoo kale aqri qormooyinkeenii hore ee ku saabsanaa Difaaca Suubanaha SCW

Raddin Shubbaha ah – Nebi Muxammad (NNKH) wuu dagaalamay!!

Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Ca’isha? (Raddin shubaha)  

RADDIN SHUBAHAAT- (Muxuu NEBI MUXAMMED (NNKH) u guursaday Zaynab Bint Jaxshi RC?)

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi
________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idin la’aan.