Qormadani waxay daba taal qormooyin taxane ahaa oo lagu raddinayay shubahaatka lagu marin habaabiyey makasta iyo caamada ummaddeenna Soomaaliyeed, waana duullaan mudan in cilmi iyo caqli looga hor tagaa oo kirishtaha uu nagu soo qaaday, si uu u fasahaadiya dadkeenna aanan dhigaalka waligood marin dhawaq uun mooyaane. Qormadani waa taxanaha silsiladdii lixaad ee aynu ku raddineyna nin magaciisa ku sheegay Hassan Colhaye, oo siduu sheegtay ka laabtay diinta Islaamka, su’aalo badan oo shubbaha ahina inoo soo gudbiyey.
Ma mudneyn inaan u jawaabno hadduuna ahaan lahayn qof jaahil ah oo dhanka caqliga iyo cilmigaba ka arradan. Taas ayaana inagu qasabtay inaanan waxba ka hagran oo aan u hiillina, si lacalla ay dhacda inuu Ilaahay hanuuniya oo ka badbaadiya cadaabta uu kusii jeeda.
Waa kan halka aan kasoo xigtay,
Q52:24; Q56:17-18; Q76:19; Q78:31-34; Q37:48; Q44:54; Q52:17-20; Q56:36-37; Q55:56-58; Q55:72-77; Q56:36-38; Q44:54; Q37:40; Q52:17; Q52:21; Q55:46; Q55:62; Q56:13; Q56:33; Q78:31; Q76:19; SB (Sahih Bukhari)6:402; SB4:544; Al-Tirmizi Buugga 2aad, b 35-40; Al-Tirmizi Buugga 2aad, 2562; 2536; Ibn Majah 5:4337
________________________Runtii kula yaabi mahaya annigu Colhayow!!, laakiin waan hubbaa umaddii aqrisa waxyaabaha aad lasoo shirtagtay oo shubbaha ah inay kula yaabi doonto. Adiguse isla yaabi weyday, saa maxaa yeelay qofkii cilmi iyo caqli leh ayaa isla yaabo. Halkan marka aad soo bandhigtay halka aad leedahay waan kasoo xigtay kuma aadan ekaan cilmiga aad kusoo xigataye, adigoo saan tiranaya oo isla quman yaa waxaad tiri caqliga isticmaal. Aan mid kuweydiiyee siidee buu caqligaada adiga kuu siiyey in wax aanan jirin aad sooqorto?Waxaad tiri Q52:24, bimacnaa suuradda 52d aayadda 24 ayaa sheegeysa in Jannada lagu samayn doono liwaad (galmo qaniiseed).Aayadda kujirta suuradda 52d (suuradda Ad- Duur) ee 24d ma oranaysa in liwaad jinsi lagu samayn doono Jannada. Balse aayaddu waa tan waxay oranaysaaQuraan 52: 24d ‘‘Waxaa u adeegi (ahlu Jannaha) wiilal aad mooddo jowhar la dhowray”.
Haddii wiil uu kuu adeego, ma waxay ka dhigan tahay in liwaad uu yaal halkaas? Ka warranse xertii Ciise u adeegi jirtay ee amarradiisa fulin jirtay ee Baybalku uu xusay? Iyagu ma waxay sameyn jireen liwaad?Ka warran Daa’uud kii u shaqeyn jirey Saa’uul (Daaluut)? Ma wuxuu samayn jirey liwaad? Muuse wuxuu adeega u ahaa una shaqeyn jirey Yetroon kii reer Midyaan muddo 8 ilaa 10 sano ah. Isagu ma wuxuu samayn jirey liwaad jinsi?Yacquub abtigii Laabaan in ku dhaw 20 sano miyaanu u shaqeyn jirey oo kadib uu ku darin labadiisii gabdhood Liyaa iyo Raaxiil. Aqri Genises kitaabka kowaad ee Baybalka qisada markuu Yacquub ka baxsaday walaalkiis Ciisow si aanu u dilin.Caqliga aad kaasha i tiri waa kaa xaqiiqada beentaada bannaanka keenaya kuguna fadeexeynaya. Adigu miyaadan aqoonba u lahayn aqrinta, mise sidii aan horey usoo sheegey dhawaq uun baad soo maqashay, numberradana sida looqora waalagu soo baray?
Q52: 24d, ma oranaysa waxa aad sheegtay iyo wax u dhaw, balse waxay sheegeysaa adeegid oo keliya. Dunidana maanta waala isu adeegaa.Aayadda labaad ee aad tiri waan soo daliishaday waxay daba taal tan hadda waana tan sida ay kitaabka ugu taalQuraanka 56: 17d- 18d. Waa suuradda 56d (Al Waaqicah) aayadaha 17 illaa 18. Waxay oranayaan sidan
Al Waaqicah: 17- 18 ”Waxay la dhex wareegi wiilal waari koobab iyo kidhliyo iyo weelal uu ka buuxo macmacaan socda”.
Isku yara khajal’ee, ma halkan baa waxaad uga jeeddaa liwaad? Maxaa ku heley oo ma caqliga iyo araggay kaa siibeen? Mise balaa ku asiibtay, oo dhoohnaan baad u saaxiib tahay? Waan hubaa inaadan weligaa aayaddaasi aqrinin, laakiin number warqad laguugu dhigey ayaad diinta uga baxday iyo been laguu sheegey. Jaahillimada caqli yari baa kuu dheer, wixii lagaaga duceeyaba waxaa yar inaad caqli ku badbaadda. Lakiin naxariista iyo raxmadda Alle waa suurto gal inaad uga badbaadda dariiqa aad kusocota oo aad kunoqoto diintaada naxariista iyo wanaagga badan. Caqlise lagaama fisho inaad wax ku qaadato haddiiba sidan aad tahay.
Aayaddahan labada ahi waxayba caddeynayaan wixii ay ilmaha la wareegayeen oo ah weelal iyo kidhliya ay macmacaan kujiraan.
Maqaayadaha waddamada aynu ku noollahay sow kama shaqeeyaan wiilal? Ma waxay ka dhigan tahay in lagu sameeyo liwaad? Waa suurtowdaa waddamadan in laga hela dad liwaadka sameeya, maadaama ay reer galbeedku dhigteen shuruuc u fasaxaysa liwaadka. Laakiin Islaamku wuxuu qabaa qofkii fala liwaad iyo kii lagu falaba in la dilo, ka warran arrinkaasi? Halka Masiixiyadda ay liwaadku ogalaaneysa Islaamku ma ogolo, wuxuuna ku xukminayaa in la dila qofka sidaasi sameeya.
Yuusuf asagoo ahaa shaqsigii ugu quruxda badnaa oo quruxdii koonka badhkeed la siiyey, sow kama shaqeyn jirin gurigii boqorka ee Masar Qitfiir ina Ruuxiib. Baybalku miyaadan weligaa aqrinin? Ma wuxuu samayn jirey liwaad, mise lagu samayn jirey? Xukun xumidaa oo caqli yaridaa?
Aayadahanse ma wax aanan adeegid ahayn bay ka sheekeynayaan sida marti qaad oo kale. Haddii maantayto laguu soo martiya oo cunnooyin kala nooc nooc ah aad martidaada u diyaariso, wiilashaaduna waad u lebbiseysaa sidii horey loogu yaqaannay maahe si kale si aanay martidaada kuugu fadeexeyn, oo qurux baad ka dhigeysaa tintana waad u feedheysaa (shanleyn), dabeetana waxaad ku oranaysaa ordayoo adeer u geeya qaxwada/shaaha, bunka, keek-ga, sokorta. Weydii adeer maxaan kuu keenaa dheh!! iyo eraya lamid ah. Waa dhacdaa in badan xaaladdan xilliyada martida. Marka taasi ma waxay kadhigan tahay in gurigaada lagu sameeyo fal liwaad? Meeyay caqligaadi?
Aayadaha xiga ee aad leedahay waan soo daliishaday waa aayadaha 31d illaa 34d ee suuradda 78d. Waana sidan sida ay u qoran yahiin
Quraanka 78 (An Naba): 31d- 34d ”Kuwa Eebbe ka dhowrsada waxay leeyahiin liibaanid. Beera iyo cinabyana wey heli doonaan. Waxayna guursan doonaan haween da’yar oo isla eg. Waxayna heli cabbid wanaagsan”.
Dhoohane ma halkaan ayaad uga jeeddaa hal erey oo tilmaamaya liwaad, mise xataa waxaad uga jeeddaa niman niman kale lagu lamaanaya? Maxaa ku heley dhoohane, sow aayaduhu ma tilmaamayaan in ahlu Jannuhu yahiin kuwa liibaanay, ee ka badbaadaya dhibaatada, Allena u guurin doono gabdha isku da’ ah oo dhalinyar, oo qurxoon?
Waxa aad sheegeysaa oo idil iyo aayadaha aad soo daliishanaysa, waan hubaa inaad warqad xun oo lagugu sirey aad kasoo minguurineysa, adigoonan waxba aqoon u lahayn, weligaana aanan arag aayadahan dhankaad u hadashay maahee, dhan kale oo kasoo horjeeda u hadlaya.
Ma is dareemeysid xataa, Ilaahay wuxuu kugu fadeexeynayaa aayadaha aad is tiraahda ayaga soo daliisha oo Islaamka wax uga sheeg. War hooy ha ku daalin, diinta Islaamka waa diin dahiran oo Ilaahay dhamaystirey, masaaniiddeeda sharciga iyo kitaabkeeda Quraanka, waa wax aanan nusqaan haba yaraatee lahayn. Kuwii adiga kaa horreeyey oo cilmiga sayniska, kan xisaabta, kan diimaha, kan Towraadda, kan Injiilka, kan luuqadaha iyo Geology-ga iwm yaqaanay, baa inta ku wareeray inay wax ka sheegaan diintan dahirsan iyo inay Islaamku duraan aakhirkii wada Islaamaya, oo qiraya xaqnimada Muxammad (NNKH), macadallaah iska daa adigoonan haba yaraatee waxba dhigin waxba akhrinin, oo youtube iyo warqad lagu soo siiyey ku kadsoomay, kadibna intaa aanan ku harine isla sii quman, oo ismoodsiinaya beentii laguu sheegay inay wax ka jiraan.
Qalbigaaga ayaa kuu sheegaya maalintii aad ka baxday Islaamka iyo maanta sida aad tahay, sidaas haddii aad kudhimataana cadaab olal badan ayaa kuu dambeyn doonto, haddaadan ka toobad keenin inta aad haysata fursadda nolasha. Ma ahan wax la iska oranaya xaqiiqadaasi, laakiin caddeymaha Muxammad (NNKH) uu la yimid ayaa kuu caddeynaya taas, oo cid dafiri kartaahi aanay jirin maanta.
Wax waliba oo aan aniga kuusoo qoro marjac iyo dib unoqosho ayay leeyahiin, laakiin waxa aad adiga iisoo qorta waa hadal ra’yi ah (oo weliba shubbaha ah) ama, marjac khaldan oo ka hor imanaya waxa aad oranaysa oo asaga kuu jawaabaya intaanan aniga kuu jawaabin. Taana waxaa usabab ah, maba aqrineysid waxa aad marjac ahaan usoo qaadanaysid. Waxaanay taasi caddeyneysaa heerka aad maanta baadida iyo jahliga ka joogta iyo meesha aad cidla ciirsiga taagan tahay. Nafta intayse kugu jirtaad moog tahay naarta Alle ee xanuunka badan, haddaadan toobad keenin.
Aayadda xigta ee aad soo daliishatay waa aayadda 48d ee suuradda 37d (As- Saafaat). Waxayna oranaysaa sidan
Quraanka 37 (As-Saafat): 48d ”Agtoodana waxaa ahaan doono haween dhowrsoon oo indha waaweyn”.
Ma xuurulceyn la siinaya ehlu Jannaha darteed ayaad diinta Islaamka uga baxday? Oo ma haweenkaad neceb tahay adiga? Sidaas hadday tahay liwaadkaba waa xaggaaga? Saa waa wax aad adiga soo iqtiraacatay oo aanan diinta sal kulahayn. Laasim wax walbood sheegta haddii halka aad ku sheegtay aanay ku sugneen inaad adigu waxaasi tahay waa khasab. Ma ahan inaan aniga ku oranaya waad tahay, laakiin waa qaacidda caddaaladeed oo tilmaamaysa wax walbood qof ku tuhunta haddaanu ahayn oo beri yahay in adiga ay waxaasi kugu soo laabtaan, maadama ay maskaxdaadu waxaasi suureysatay, markaan qaacidadaasi raacnana adigaa istiriye aniga kuma oran.
Aayadda kalee aad usoo daliishatay Jannada inay taal liwaad waa aayadaha 17 illaa 20 ee suuradda 52. Ma aqaan mar kale waxa aad suuraddan ugu soo celisay oo aadan markii hore ee aad xustay iyada aanad u xusin aayadahan. Waa suuradda Ad- Duur. Waxay aayadahani oranayaan aad soo daliishatay
Quraanka 52 (Ad- Duur) 17- 20d ”Kuwa Ilaahay ka dhowrsada (ka cabsada ee caabbuda amarradiisana fuliya) waxay gelin doonaan Jannooyin iyo nimco. Iyagoo ku raaxaysanaya waxa uu Rabbigoodu siiyey, Ilaahayna wuxuu ka dhowray caddibaadda Jaxiimada. (Waxaa lagu oran doonaa) Cabba adinkoo shifeysan camalkiinnii dartiisa. Idinkoo ku dangiiga sariira la safay, waxaanuna (Ilaahay uu) u guurin doonaa haween Jannaad (Xuurulceynta)”.
Wagar!!, tacliiq uma baahno halkan, saa aayadahan ayaaba ku xukminaya adiga iyo waxa aad sheegtayba. Qaanuunka caddaaladda haddii lagugu xukmin lahaa daldalaad baad mudnaan lahayd, waayo waxaa ceeb iyo been abuur kuugu filan marka aad kitaabka Ilaahay wax beena ka sheegta oo aad foolxumadaada haddana aayadda aad soo daliishata ay tiraahda wax caksi ku ah waxa aad sheegeysay. Waayo aayaddani waxay sheegtay in dumar xuurul ceyn ah lasiin doono ragga ahlu Jannaha ah. Taasoo kasoo horjeedda falkii foosha xumaa ee caqligaaga liita uu suureystay ama laguu soo aqriyey.
Aayadaha kaloo idil waa lamid waxa aad soo daliishatay, waxaanna ku amrayaa inaad adiga wada aqrisa mar kale, ma filaya aniga inaad adigu marna caqligaada dartiis adigoo kaashana aad khajili doonto marka aad dib isugu laabato, laakiin towfiiqda Alle darteed laga yaabaa inaad ku hanuunto oo Raxmadda Rabbi ay qalbigaadu taabato. Waa kuwan aayadaha kalee aad soo daliishatay oo dhan. Anigaa kuu fududeynaya mar kale si aad u aqrisato, ayagoo weliba turjumaad Af Soomaali ah. Bal kasoo saar waxa qurunka ee ay maskaxdaadu sawiratay halkan. Mar kalena ogoow!! in fadeexad ay tan kuugu filan tahay markii aayadihii aad soo daliishatay ay ku xukmiyaan iyagoo kasoo horjeeda wixii aad sheegeysay ama aad usoo daliishatay.
Q56: 36- 37 (Al Waaqicah: 36-37d): Waxaana ka dhigi iyaga (hunna- yacni dumarka xuurulceynta ah) kuwa aanan la taaban. Oo ay is jecel yahiin (raggooda).
Q55: 56- 58 (Al Raxmaan: 56- 58d.): Jannooyinka iyo firaashka waxaa kusugan haween indhawaaweyn oo dhowrsoon, oo uuna taaban hortood jinni iyo insi midna.
Q55: 72- 77d (Al Raxmaan: 72- 77d): Waa haween indho cad oo gurigooda jooga. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan? Waa haween uusan horay u taaban insi iyo jinni midna. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan? Waxay ehlu Jannaha ku dangiigsan barkimo cagaaran iyo gogal qurux badan. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan.
56: 37: 40 (As- Saafaat: 40): Addoomada san ee Eebbe xumaan ma arkaan.
Q52: 17 (Al Dhuur: 17): Kuwa Ilaahay ka dhowrsaday waxay geli Jannooyin iyo nimco.
Q55: 46 (Al Raxmaan: 46): Qofkii ka cabsada Alle hor istaaggiisa wuxuu mudan doonaa labo Janno.
Q55: 62 (Al Raxmaan: 62): Waxay heli doonaan labadaasi Janno kasokow kuwo kale.
Q52: 21 (Al Dhuur: 21): Kuwii xaqa rumeeyay ee carruurtooduna ay iimaanka ku raacday, waxaanu haleeshiin doonnaa carruurtoodii derejo iyo naxariis, camalkooduna waxba kama nusqaamin doonna, qof welibana wixii uu kasbada uun baa u xidhnaan doono rahmad ahaan.
Q56: 13 (Al Waaqicah: 13): Waana koox kamid ah kuwii hore (kuwa lasoo dhaweyn doono Jannada).
Q56: 33 (Al Waaqicah: 33): (Waxay heli doonaan ahlu Jannaha biyo socda iyo faakiha) aanan la goyn doonin abad oo aanan la reebeynin.
Dhanka kale waxaad soo daliishatay axaadiis aanan jirin oo bug ah, iyana waxaan immika kutusi doonnaa hadduu Eebbe idmo caqliyaridaada iyo sida laguu maanhabaabiyey ee aadan fahamsanayn, garasho lagu fahmana lagaa arraday.
Waxaad tiri SB/ 6: 402 ayaa sidaasi oranaya, laakiin saxiixa Al Bukhaari maba ku yaal juska lixaad numberka aad soo sheegtay. Sidoo kale Tirmidi iyo Ibn Maajah iyo numberrada aad soo xustay adigaa lagaa rabaa inaad soo minguurisa siday ugu qoran yahiin haddiiba ay jiraan.
Intaas kadib kaalay ogow waxa uu Islaamka ka yiri liwaadka!!.
Abuu Hureerah waxaa laga soo weriyey in Nebiga Alle (NNKH) uu yiri ”Qofkii fala camalkii reer Luud (liwaadka) iyo kan lagu falayba waa mid lacnadan”, ”saddex goor”. Werin kale waxay leedahay ”Dila kan lagu fala iyo kii falaba”.
Sidoo kale waxaa ka sugnaaday nebiga (NNKH) inuu yiri ”Hala rajmiya kan fala iyo kan lagu falaba”. Labada werinna isma khilaafayaan, waayo rajmintu waa nooc kamid ah dilka.
Sidoo kale Ilaahay oo inooga qisoonaya falkii qoomka Luud lagu halaagay iyo foolxumada camalkaasi wuxuu yiri
( العالمين )ولوطا إذ قال لقومه أتأتون الفاحشة ما سبقكم بها من أحد من
”Luudna xus markii uu ku yiri qoomkiisii, ma waxaad la imanaysaan faxisha aanay jirin cid idinkaga hormartay oo kamid ah dadkii caalamka”? Al Acraaf: 80dSidoo kale Eebbe isagoo inooga warramaya siduu u dhaleeceeyey falka ay sameeyeen dadkaas iyo fool xumadiisa, wuxuu yiri
”بل أنتم قوم عادون”
Isagoo Eebbe innaga inooga warramaya wixii ay sameeyeen iyo siday ahaayeen, si aan jidkooda u marin wuxuu yiri(إنهم كانوا قوم سوء فاسقين)
)فانظر كيف كان عاقبة المجرمين
”Bal eeg siday noqotay cidhibtiii mujrimiinta”. Al Acraaf: 84d.Culima badan oo Islaam ah ayaa ka hadashay arrinkaas, aayada badan iyo axaadiis dhowr ahna waa lagu xusay, ciqaab ayuuna mutaa camalkaasi Islaamka agtiisa. Waana wax aanan ka suurtoobin qof bini Aadam ah oo caafimaad qaba, oo Islaam ah, oo qalbiga aanan ka jirraneen.Aan mid ku weydiiyee maxaa waddamada reer galbeedka looga dhigay liwaadka mid caadi ah? Maxaa loogu sameeyay meelo ay isku mehersan karaan ragga? Haddii liwaadka aad u arkaysa foolxumo iyo wax xun, maxaa keenay in waddamada masiixiyiinta (reer galbeedka iyo qaar kamida Afrika sida South Afrikka) looga dhigey mid ah ka tahay is guursashada ragga free (xor)?Taas ayaa kuu kala caddeyneysa akhlaaqda Islaamka iyo masiixiyadda, ama aan dhahee diin waliba iyo Islaamka.Islaamku waa diin dahiran waana diin ka sarreysa diimaha oo dhami, waana diintii samawiga ahayd ee ugu dambeysay diimaha Ilaahay uu soo dejiyey.Intaa kadib, kitaabka Baybalka dib ugu laabo… Muxuu ka yiri liwaadka? Kaalay wax ka ogoow!!.
25. Markaasaa Saa’uul wuxuu yidhi, Sidan Daa’uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa’uul wuxuu damcay inuu Daa’uud u gacangeliyo reer Falastiin.
26. Oo addoommadiisiina markay Daa’uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa’uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;
27. markaasaa Daa’uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa’uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa’uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa’uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
Subxanallaah!! way ka hufan yahiin nebiyadii Alle waxa aad ku sheegteen. Daa’uud Ilaahay Quraanka wuu ku sharfay.
Wuxuu Ilaahay magaca Daa’uud ku xusay 16 mar, marwelibana waa mar uu Ilaahay amaanaaya, halka Baybalka inta meel ee Daa’uud lagu xusayba ay tahay xilli la oranay wuxuu jeclaaday wiilkii la oran jirey Yoonataan, xilli la oranaya Rabbigaa u carooday, xilli la oranay niman cowradooduu feyday oo uu soo jaray, xilli la oranaya dad buu xasuuqay, mar uu ka sineystay jaariyad u joogtay, xilli la oranaya gabadh aad u yar oo bikro ah ayaa xabadka loogu seexin jiray intaanu dhiman si uu diirimaad kulul u helo. Amuurtaas oo idil Baybalka ayay ku taal. Laakiin bal kaalay eeg inta aayadood ee Quraanka Ilaahay magaciisa ku xusay iyo siduu u amaanay.
{فَهَزَمُوهُمْ بِإِذْنِ اللَّهِ وَقَتَلَ دَاوُودُ جَالُوتَ وَآتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَهُ مِمَّا يَشَاءُ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَفَسَدَتِ الْأَرْضُ وَلَكِنَّ اللَّهَ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْعَالَمِينَ} [البقرة : 251]
{إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَى نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِنْ بَعْدِهِ وَأَوْحَيْنَا إِلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا} [النساء : 163]
{لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ} [المائدة : 78]
{وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ كُلًّا هَدَيْنَا وَنُوحًا هَدَيْنَا مِنْ قَبْلُ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَى وَهَارُونَ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ} [الأنعام : 84]
{وَرَبُّكَ أَعْلَمُ بِمَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَقَدْ فَضَّلْنَا بَعْضَ النَّبِيِّينَ عَلَى بَعْضٍ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا} [الإسراء : 55]
{وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ} [الأنبياء : 78]
{فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ وَكُنَّا فَاعِلِينَ} [الأنبياء : 79]
{وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ عِلْمًا وَقَالَا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي فَضَّلَنَا عَلَى كَثِيرٍ مِنْ عِبَادِهِ الْمُؤْمِنِينَ} [النمل : 15]
{وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنْطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِنْ كُلِّ شَيْءٍ إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ} [النمل : 16]
{وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ} [سبأ : 10]
{يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِنْ مَحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَاسِيَاتٍ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا وَقَلِيلٌ مِنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ} [سبأ : 13]
{اصْبِرْ عَلَى مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ إِنَّهُ أَوَّابٌ} [ص : 17]
{إِذْ دَخَلُوا عَلَى دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ قَالُوا لَا تَخَفْ خَصْمَانِ بَغَى بَعْضُنَا عَلَى بَعْضٍ فَاحْكُمْ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَاهْدِنَا إِلَى سَوَاءِ الصِّرَاطِ} [ص : 22]
{يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُمْ بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَى فَيُضِلَّكَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ} [ص :
{وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ نِعْمَ الْعَبْدُ إِنَّهُ أَوَّابٌ} [ص : 30].
15. Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn kara, laakiin waxa isagaka soo baxa kuwaasaa waxa nijaaseeya.Waxa isaga kasoo baxa ayaa isaga nijaaseyn kara, bimacnaa matagga, kaadida iyo saxarada, laakiin wax kale oo banaanka yaal oo nin kale kasoo baxay haddii asaga la dhex geliya ma nijaaseynayaan. Subxanallaah!!
Waa yaab iyo amakaag!! bal is xukumi, isuna eeg Islaamka iyo Masiixiyadda. Waxaad kusocotaa dariiq khaldan, oo naar kusii jeeda ee ka waantow oo intaad nooshay xaqa ulaabo. Ilaahay xaqa ha kuu celiya xaggiisa hana kaa badbaadiya naarta holaca badan.
Email: mohamed1@live.fi
________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.