RADDIN SHUBBAHA- Nebi Muxammad (NNKH) ma waxaa la oran jirey Quthum? ( Difaaca Suubanaha)

Qormadani waa mid kamid ah silsiladdii taxanaha ahayd ee raddinta shubbahaatka lagu marin habaabiyey umaddeenna caamada ahi ee aanan diinba aqoon mid Islaam iyo mid kale toona, waxayna daba taal qormooyin raddin shubaha ahaa oo aanu ku raddineynay nin magaciisa kusheegay Hassan Colhaye.

Hassan Colhaye wuxuu kaga duwan yahay ragga asaaggiisa ahi ee la duufsaday isagu wuxuu soo bandhigay jahligiisii, weliba qoraallo cajiiba oo aanan mudneyn inaan ka hadla ama aan soo copyeyo ayuu inoo soo direy. Kama hagran doonna innagu haddaynu nahay walaalahiis inaanu u hiilinno oo aan xaqa u iftiiminno si uu uga badbaado cadaabta Alle, waayo waxaa inoo muuqata inaanu aqoonba agtiisu la marinin, oo weligii dhigaal aanu marin dhawaq mooyee.

Intaa haddaan uga gudbo, qormadan waxaynu maanta ku raddin doonnaa shubbaha aad la wada yaabi doontaan haddii aad maqashaan. Waa waxaydaan weligiin horey u maqal, kutub Islaamna aanan ku oollin.

Waxaa iman doonto su’aal ah halkee buu waxani ka keenay Colhaye? Mise muxuu u weydiin waayay kuwii usheegay beentan halka ay kaga taal Islaamka si uu kula dooda Islamka iyo dadkiisa? Intaba wuu ku kadsoomay innaguna sidii la inooga bartay, xaqaan u iftiimineynaa innagoo kaashanaya Allaha Raxmaanka ah, saa hadduu hanuun la doono wuu hanuunin, haddii kalena xaabada Jahannamuu noqon doonaa!!.

Wuxuu inoosoo qorey qormadani aanan illaa hadda fahamsaneen meeluu ka keenay:

Tan koowaad ee diinta ku saabsan, waa sidan: Ma ogtahay in Maxamad iyo Allah ay hal shaqsi wada yihiin? Waxaan annagu ogeyn, Soomaali haddaan nahay, Maxamad waa nabi, Ilaahay baana soo dirsaday. Waa been taasi, waxbana kama jiraan. Maxamad iyo Allaah waa isku halka nin ee Maxamad oo magiciisa runta ah oo uu ahaa Qutham. Maxamad wuxuu ku yimid magac beddelasho, micneheeduna waa “the Praised One” kii suubbanaa ama ammaannaa! Magiciisa runta Qutham, micnihiisu waa “Kii dilnaa ama yasnaa, ama liidanaa!” Qutham waa cagsiga ama beddelka Maxamad, kii dulleysnaa vs. kii ammaannaa.

Ugu horreyn hadalka ah Ilaahay iyo Muxammad (NNKH) waa isku mid.. Adeer caqiiqadaasi Islamku maqabo, nebi Muxammadna (NNKH) wixii uu dadka kala dagaallay ayay ahayd in Alle cid kale lala wadaajiya, wuxuuna ina baray in Alle keli yahay, aanu waxba dhalin, lalana dhalan, isaguna la dhalin. Haddii aad doonta aqri suuradda gaaban ee sha’niga weyn leh ee Al Ikhlaas.

Caqiidada Thaaluuthka ah ee masiixiyadda weeye midda aaminsan Allaah iyo Ruuxul Quddus iyo wiilka (Nebi Ciise). Taasoo runtii ay fahmi la yahiin masiixiyiinta caqliga lihi oo ay ku wareeraan markay maqlaan waxaas oo kale. Saddex shaqsi oo hal ah oo haddana aanan hal qof ahayn waa midda keentay in carruurta yar yar lagaga ilaaliya aqrinta Baybalka.

Meelo badan oo Quraanka kamid ah buu Ilaahay ku fadeexeeyey Yahuudda iyo Masiixiyiinta asagoo Ilaahay Yahuudda ku dhalleeceynaya dhagartooda iyo madax adeygooda kuna lacnaday sababtaasi, Masiixiyiintuna wuxuu ku dhaleeceeyey inay la wadaajiyeen nebigiisa Ciise oo ay uga dhigeen inay isla yahiin Ilaahyo oo misna mar kale uu yahay wiilkii Ilaahay (wuu ka hufan yahay Alle waxa ay kusheegeene).

Sidaa daraaddeed waxaan ku oranayaa halmeelna kama soo heleysid diinta Islaamka meel ay ku amarto in Alle nebi ama ma’aalik lala wadaajiyo, iskaba daaye in Muxammad (NNKH) yahay!!.

Sidaa daraaddeed waa wax lagu qosla waxa aad tiri, oo aad loola yaabo, meel ay ku qoran tahay koonkanna ma jirta, xataa masiixiyadda aad sheeganaysa ayaanay ku qorneyn in Muxammad (NNKH) iyo Alle hal yahiin. Diin kasta iyo cid kasta ayaana ka marqaati ah in nebi Muxammad (NNKH) wixii uu la dagaallamay ay ahayd waxa aad adigu immika kusheegeysa.

Waxaa marka is weydiin mudan, waxani halka aad ka keentay? Haddii laguusoo aqriyey maxaad u weydiin weysay maraajiicda laga soo min guuriyey waxani? Way ku dulleeyeen runtii kuwii waxaasi kuu soo aqriyey, aakhirana ahal kuuma noqon doonaan, oo jid xun bay kuu horseedeen haddaadan ka toobad keenin oo aadan xaqa Islaamka usoo noqonin. Waxa waliba oo Islaamku lagaaga sheegay waa caksigeeda, sidaad horey ugu aragtay raddintii shubbahaadka ee ciwaannadii hore.

Wax waliba oo aad Islaamka ku sheegtay oo aad isleedahay ku liid, ama ku dur nebinnimada nebi Muxammad (NNKH) waa wax aanan ku qorneyn Islaamka, bal’ee Baybalka ku dhigan, oo Masiixiyiinta iyo Yahuuddu fasho.

Maantana waxaad keentay caqiidadii Thaaluuthka ahayd ee Masiixiyadda aaminsanayd inaad Islaamka ku durta, ama aad ku tilmaanta nebi Muxammad (NNKH) wixii aad Ciise ku tilmaamaysay.

Martabadda Ciise uu Islaamku gaarsiiyey Baybalku ma gaarsiinin, halka hooyadii Maryama Baybalka lagu caayay, ama looga shakiyey Yuusuf An Najaar inuu ka sineystay, Quraanku wuxuu ku tilmaamayaa Catraa Al Batuul, suurad dhan ayuuna Ilaahay ku sharfayaa magaceeda.

Baybalka Axdigii hore 17 mar oo qura ayaa laga helayaa magaca Maryam, halka Axdiga cusub laga helaya 1 mar oo qura. Ma taqaan inta mar ee magaca Maryam laga helaya kitaabka Quraanka? Waa 38 mar. Labo jibbaar tirada Baybalka lagu xusay magaca Maryam.

Kitaabka Quraanka waa hal, Maryamana waxaa lagu xusay 38 mar, Baybalkuna waa dhowr iyo toddobaatan kutub, Maryamana waxaa lagu xusey 18 mar.

Diintaas weeye midduu inoo keenay nebi Muxammad (NNKH) ee ay ku liidday Yahuuddu markay iska dhex arki waysay ama ay ka heli weysay wixii ay rabtay. Alle baa og halka uu risaaladiisa dhigaya iyo cidduu u dhiibaya. Haddii aad adigu nacayb aad u qabto Carab uga baxday diinta Islaamka, Alle wuxuu risaaladii ugu dambeysay diimaha ku sharfay Carab. Quraankuna waa Carabi.

Haddaan intaa ka gudbo, caqiiqada thaaluuthka ee aad la timidayna aan dib kuugu celiya, bal aan markanna ka hadla qodobka xiga ee aad leedahay Muxammad (NNKH) waxaa la oran jirey Quthum magacana isagaa baddashay.

Ma xumo!!.

Laakiin aan mid kuweydiiyee!! halkee baad tanna kasoo heshay? Waa runtii war ullaaban qofkastoo Muslim ah amaba aan dhahee Masiixi ah, waayo waa wax aanan lagu xusin kitaabka Quraanka iyo xadiis tooni waxa aad lasoo shirtagaysa, cid si cad ugu tuhuntayna majirta walaa Muslim, walaa Masiixi. Waxaan ku tusayaa maantay inay ku heleen dad cadaw kuu ah oo kusoo indha tiray.

Haddii wax laguu sheego, oo waxaasi ay noqdaan been aanan sal iyo raad toona lahayn, oo habayaraatee meel ay ku dhigan tahay aanay jirin, waxaad ogaataa markaasi dadkii kuu sheegey waxaasi inay yahiin cadawgaada.

Bal ka warran magaca Muxammad wuxuu ahaa magac dhowrsoon oo Ilaahay ka dhowray cid kale nebigiisa hortii in loo bixiya. Mataqaan yaa ubixiyey magaca Muxammad? Siirada haddii aad aqirada waad ogaan lahayd. Aan kuusheegee waxaa u bixiyey awoowgiis Cabdil mudallib. Haddii aad ku laabato kutubbada siirada oo dhan waad soo heleysaa xaqiiqada warkayga.

Qof maalintuu dhashay loo bixiyey Muxammad, siduu markuu weynaado u qaadanayaa magaca Muxammad, oo magac aanan jirin aad dusha ugu saartay? Maalinna kol ay ku tahay looguma yeerin magaca Quthum iskaba daa in loo yaqaannaye.

Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu inoo sheegey inuu leeyahay magacya badan, magaca keliya ee markuu dhashay loo bixiyeyna waa Muxammad. Magacyada uu inoo sheegey waxaa kamid ah ”Al Mukhtaar (mid la doortay), Maaxi (mid xaqa ku tira baadilka), Daahaa, Axmed, Mustafaa, Al amiin, iwm”.

Magacyada wanwanaagsan ee nebiga (NNKH) marna kama soo dhex saareysid wax la yiraahda Quthum. Magaca saxda ah ee nebi Muxammad (NNKH) awoowgiisa u bixiyey waa midka Ilaahay uu inoo sheegey in kutubbadii hore (Towraadda, Zabuurta iyo Injiisha) lagu dhigey ee nebiyadii hore dadkoodii ugu bishaareeyeen, iyagoo xusaya magaciisa.

Illaa maantadan Ilaahay ma diidin inkastoo ay ku falaadeen Baybalka oo ay tirtireen magacii Muxammad inta badan haddana in laga helo waa ogalaaday. Haddaad eegto kitaabka la yiraahda

Song of Salamon/Gabaygii Sulayman cutubka 5d faqrada 16d. Waxay oranaysaa sidan

16. Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow,

Tani waa turjumada caanka ah ee dunida ee loo yaqaan King Jemes, waana qeybta tootoosinka ee kama dambeysta Baybalka ah. Luuqadda engriiska ayaa laga soo turjumay. Xitaa ta Carabiga sidan ayay u qoran tahay.

Laakiin haddaad eegto kan luuqadda Hebrew-ga (Cibriga), waxaad arkaysaa in meesha immika turjamada King Jemes lagu baddalay oraahda ah ”waa mid aad loo jecel yahay”, in sideedii uu ugu yaala magacii xaqiiqda ahaa ee halkaasi ku dhignaa markii hore, kaasuna waa magaca Muxammad.

Waa tan xaqiiqada ayadoo Cibri ah

Cheeko mame tah kim, vechulo Mohamad-im. Zeh doudi, Me zehre he, beyna Jeruzalem”

(Songs of solomon 5:16)

Waa kan naskii oo sida cibriga asalka u qoran

טז חִכּוֹ, מַמְתַקִּים, וְכֻלּוֹ, מַחֲמַדִּים; זֶה דוֹדִי וְזֶה רֵעִי, בְּנוֹת יְרוּשָׁלִָם.

Haddii aad rabto gal webkan, uu ku daabacan yahay Baybalka oo cibri iyo english ah. Waa kan hoose

http://www.mechon-mamre.org/p/pt/pt3005.htm

Xasuusnoow nasku waa Songs of Solomon 5: 16d. Isagoo english ah ayuu ku hor dhigan, laakiin sidii aan horey kuugu sheegey luuqadda englishka marka lagu macneynaya naskaasi kalmadda si sax ah looma macneyn, balse waxay ku macneeyeen ”beloved”, mid la jecel yahay iyagoo ka tiray xaqiiqdii magaca Muhammad. Waa kan sida ay ugu macneeyeen u fiirso!!

16 His mouth is most sweet; yea, he is altogether lovely. This is my beloved, and this is my friend, O daughters of Jerusalem.’

Si aad u hubiso qiyaanada luuqadda englishka ahi, gal google translate, kadib kadooro luuqadda cibriga oo lagu turjumaya luuqadda aad rabto. Waxaa kuusoo baxaya magaca Muhammad oo aanan la turjumin oo sidiisa ah. Haddii ay ku macneyn lahaayeen oraah ah ”mid la mahadiya”, way noqon lahayd magacii Muxammad oo la macneeyey, laakiin Beloved ayay ku macneeyeen!!.

Calaayatakulli xaal, waxaa laga yaabaa inaad is weydiineyso Muhammad-IM. Garannay Muhammad-, ee IM maxay ka dhigan tahay?

IM- waa kalmad yar oo cibri ah, badanaana ma samayso macno in wax lagu dara mooyaane, waa sida kalmadda Carbeed ee yaa oo kale. Haddii yaa!! aad tiraahda macno ma samayn karta, laakiin haddaad ku darta Allaah, waxay noqoneysaa Yaa Allaah!!. Ereyga IM, sidoo kale wuxuu tilmaamaa sharaf, marka ay magacyada wanwanaagsan ay isugu wacayaan ayayna aad u isticmaalaan.

Matalan Yahuuddu Ilaahay waxay tiraahdaa ILOH, laakiin marka ay baryayaan waxay ku baryaan ILOHIM. Waxay ku daraan ereyga IM, oo macna qurxoon iyo sharfid ay ula jeedaan.

Sidaa daraaddeed bay marka aayaddan aqrinayaan ay aad ugu khushuucaan iyagoo Muhammad-im oranaya.. Macnaha Muxammadoow!! oo kale.

Intaa haddaynu ka gudubno, magaca Muxammad, Quraanka kariimka ahi waxaa lagu sheegey 4 mar, suuradda Aali Cimraan mar, suuradda Al Axzaab mar, suuradda Muxammad mar, suuradda Al Fatxina mar. Mar kalena waxaa lagu sheegay magaca Axmed suuradda Al Saf.

Marka shanaad ee lagu sheegey suuradda Al Saf, waa marka uu Alle ka warramaya in Ciise uu qoomkiisa ugu bishaareeyey nebi isaga bacdigiisa iman doona oo la yiraahda Axmed. Sabab Axmed? Muxuu u oran waayay Muxammad?

Tani waxay ku tusineysaa mucjisada Quraanka, iyo inuu ka yimid xagga Allihii joogay waqtigii Ciise iyo waqti kasii horreeyayba. Waqtigii Ciise, wuxuu ahaa waqti ka horreeyay waqtiga nebi Muxammad (NNKH).

Macnaha Muxammad waa mid la mahadiyay!!. La mahadiyey!! ogow waa ficil tegey, laakiin Axmed macnaheedu muxuu yahay? Axmed waa mahadin iyana laakiin waxay tilmaamaysaa ficil soo socda, ama iman doono, Soomaali ahaanna wuxuu noqonayaa macnaha Axmed mid la mahadin doono

Axmed= mid la mahadin doono!!.. Macnaha waa wax iman doono.

Muxammad= mid la mahadiyey!! macnaha waa ficil tegey waala mahadiyey.

Macnaha ahaan waa marka aynu macneyna labada magac ee Carbeed, waa ficil soo socda, iyo ficil tegey.

Sidaa darteed baa Ciise wuxuu dadkiisii usheegayaa inuu iman doono gadaashiis nebi la mahadin doono. Alle oo waqtigaasi la joogay, kahorna joogay baa inooga qisoonaya wixii Ciise uu kula hadlayay saaxiibadiisii xawaariyiinta, oo inoo sheegaya wixii uu Ciise yiri si toos ah, taasoo muujineysa in Quraankani uu ka yimid xagga Allaha jiri jirey ee weli jira ee misna jiri doono.

Dhanka Quthum, magacyada nebiga kama mid ahayn magacaasi, xitaa kunyadiisu ma ahayn Quthum sida aanu horey usoo tilmaannay. Laakiin waxaa jirey wiil uu dhalay nebiga adeerkiis oo la oran jirey Quthum. Waxaa dhalay Al Cabbaas bin Cabdel mudallib.

Sida aad soo qortay waa Quthum, macnaha qaaf godan marka loo eego Carabi ahaan, sida aad ku macnaysayna maahan, xaqiiqada macnahiisa.

Qaamuuska Carbeed ee la yiraahda Al macaani wuxuu qorayaa Quthum, oo ah qaaf godan in loola jeeda qofka maalka badan bixiya, wuu sii macneynayaa oo wuxuu oranaya Quthum waxaa loola jeedaa deeqsi. Sidoo kale wuxuu oranayaa waa qofka inta cunta jarjara (muufo iyo wax lamida) u qeybiya dadka.

Dhanka kale waxaa jira Qitham, oo ah qaaf hoos dhaban, mana u baxsadaan badanaa Carabta magacaan, waxaana uu ku macneynayaa qaamuuska Al macaani qof socod gaaban yacni tartiib socde.

Si kastaba intaan ka dib waxaan rajaynayaa in wax badan aad ka ogaatay xaqiiqada magaca Quthum iyo magaca Muxammad (NNKH). Sidoo kale waxaan fili inaad ogaaday sida laguu soo qalday. Arigtada xaqa ka dibna majirta wax aanan ahayn raacid ama baadi noqosha, waxaana Ilaahay kaaga baryayaa inuu qalbigaada ifiya oo aad dareenta gefka ay cadawgaasi kaa galeen iyo sida ay kuu lumiyeen jahli dartiisa, waxaa kaloo iga talo ah inaad dib ugu laabato aqrinta diinta islaamka, waayo uma muuqatid nin habo yaraatee aqriyey diinta Islaamka, maxaa yeelay waxaad soo min guurineysaa wixii Baybalka ku yaallay oo aad dabeeta ku dureysaa Islaamka iyo nebigeenna suubban (NNKH).

Towfiiqdana Allaa iskaleh.

Sidoo kale aqri qormooyinkeenii hore ee ku saabsanaa Difaaca Suubanaha SCW

Raddin Shubbaha ah – Nebi Muxammad (NNKH) wuu dagaalamay!!

Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Ca’isha? (Raddin shubaha)  

RADDIN SHUBAHAAT- (Muxuu NEBI MUXAMMED (NNKH) u guursaday Zaynab Bint Jaxshi RC?)

RADDIN SHUBAHAT- (Dilkii Khulufa’u Rashidiin & Dagaalkii Jamal).

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
______________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.