Sawirro: Kheyre oo wasiirad UK ka socotay kula kulmay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida oo looga bartay in wafuuda ka socota dalalka caalamka ay kula kulmaan garoonka diyaaraddaha Muqdisho, halka sharci ahaan ay ka aheyd inay kula kulmaan xafiisyadooda ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho soo gaartay wasiirada horumarinta caalamiga ee UK Miss Priti Patel oo ra’iisul wasaaraha uu kula kulmay halkaasi.

Sharci ahaan hab dhaqanka wafuuda timaada Muqdisho ee doonaya inay la kulmaan madaxda Soomaalida ayaa ah mid qaanuunka iyo nidaamka dowliga ah hareer marsan, waxayna taasi dafiicnimo ku tahay madaxda Soomaaliyeed.Wafuuda timaada qaarkood, gaar ahaan xubnaha ka socd dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa hab dhaqankaasi u badan, waxayna ka baqaan amaanka gudaha Muqdisho, halka marka ay madaxda dowladda kula kulmaan garoonka loo galbiyo xarunta Xalane oo reer galbeedka fadhiisin u tahay.

Ra’iisul wasaarihii dalka oo dhan ayaa wasiirad ka tirsan dowladda UK uu ugu tegay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ayaa ah wax laga xishooda, balse u muuqan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo naftiisaba safiirada dalalka qaar kula kulmö garoonka diyaaradaha Muqdisho.Kulanka RW Kheyre iyo Miss Priti Patel ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerida UK ee Somalia iyo sidii horumarka ay ku tallaabsaday dowladda Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.Arrimaha sida gaarka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka oo dhowaan la qaban doono.

Dowladda UK sanadihii u danbeeyay xoogga saareysay taageerida Somalia, iyadoo bishii lasoo dhaafay ay mart gelisay shirk caalamiga ahaa ee looga hadlayay arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com