Raila oo caddeeyey mowqifkiisa kama dambeysta ah ee doorashadii ka dhacday Kenya

Nairobi (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha mucaaradk Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkmadda ugu sarreysa dalka geyn doono dacwad ka dhan natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee lagu dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay.

Mr Odinga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in doorashadaasi loogu shubay Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ayaa horay u beeniyay eedeyntaasi.

Xisbiga Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay inaysan aadi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa maanta sheegay in gao’aankaasi ay qaateen ka dib markii ay arkeen ”sida ay dowladda ugu cagajugleyneysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayay inay maxkamadda geeyana dacwad ka dhan natiijada doorashada.