Ra’isul wasaare caan ah oo la dhigay Isbitaal kadib xanuun darran

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Talyaaniga waxaa Isbitaal la dhigay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, kadib markii looga soo booday Wadnaha.

Ra’isul wasaaraha dalkaasi Mr Paolo Gentiloni oo 63-jir ah ayaa waxaa la dhigay Gemelli hospital ee magaalladda Rome, waxaana la sheegay in laga maarmi waayay in qaliin looga sameeyo Wadnaha.

Falamiinia Lais oo ah Afhayeenadda Ra’isul-wasaaraha ayaa sheegtay in xanuunka Mr Paolo Gentiloni uu yahay mid aan sidaa usii buurneyn.

Falamiinia Lais oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa sheegtay in Mr Paolo Gentiloni uu iminka ka badbaaday khaliin lagu sameeyay waxa ayna tibaaxday in guusha khaliinka uu lahaa dhakhtarka khaaska ah.

Sidoo kale, Falamiinia Lais ayaa cadeysay in Ra’isul wasaaraha khaliin looga sameeyay Halbowlayaasha xirmay ee dhiigga siiya Wadnaha.

Dhinaca kale, Mr Paolo Gentiloni ayaa khaliinkiisa ka hor kasoo laabtay booqasho uu ku gaaray Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com