Record-ka 86-da gool ee Messi oo dood ay ka taagan tahay.

Lionel Messi, oo weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka Argentina ayaa toddobaadkan dhaliyay goolkiisii 86-aad ee sanadkan 2012 oo kaliya, kaas oo ka dhigay in uu rikoor cusub dhigo markii uu ka sara maray Gerd Muller, oo sanadkii 1972-kii dhaliyay 85 gool.

Xiriirka kubadda cagta ee Zambia, ayaa dacwad u gudbiyay xiriirka kubadda cagta ee adduunka FIFA iyo kan qaaradda Africa ee CAF, iyagoo sheegay in ciyaaryahan Zambia u dhashay uu wali yahay ninka rikoorkan heysta kadib markii uu dhaliyay 107 gool sanadkii 1972-kii.

Afhayeen u hadlay xiriirka kubadda cagta ee Zambia, ayaa sheegay in ciyaaryahan lagu magacaabo, Godfrey Chitalu, uu u dhaliyay xulka Zambia iyo kooxda Kabwe Warriors oo dalkaas ka dhisan 107 gool sanadkii 1972-kii.

Afhayeenka, ayaa intaas ku daray, in ay diiwan galiyeen goolashaas oo ay yihiin kuwo la hubo, balse ay la yaabeen markii saxaafadda ay sheegtay in rikoorka Messi uu ka jabiyay Muller.

Chitalu, oo kooxda Kabwe Warriors u ciyaarayay intii u dhaxeysay 1970 ilaa 1980-ki, ayaa noqday markii dambe macallinka kooxdaas iyo xulka qaranka Zambia.

Waxa uu ku geeriyooday shil diyaaradeed sanadkii 1993-kii, kaas oo ay ku geeriyoodeen dhammaan xulkii qaranka Zambia oo uu macallin u ahaa iyo gudoomiyihii xiriirka kubadda cagta Zambia ee xilligaas, Michael Mwape.

Xiriirka kubadda Cagta Africa ee CAF, ayaa sanadkii 2006-dii, Chitalu ku daray liiska 200 ciyaaryahan ee ugu fiicnaa qaaradda Africa 50-kii sano ee lasoo dhaafay.

W/Q: Ibrahim gedow Awale (Biibbo), tifaftiraha Somgoal, injineerka3@hotmail.com

Lionel-Messi-007