Reuters: Dhaxal sugihii Sacuudiga waxaa xilka looga qaaday daroogo darteed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay wakaaladda Wararka Reuters u xaqiijiyeen Ilo ku dhaw boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed Bin Nayif ayaa xilka looga qaaday arrimo la xiriira daroogo.

Maxamed Bin Nayid ayaa la sheegayaa in aad u isticmaali jiray maan-dooriyaha loo yaqaano cocaine, sidoo kale waxaa uu dhowr jeer ku hurday xaflado kadib markii xilkaas loo magacaabay 2015-kii.

Go’aanka lagu ceyriyay Maxamed Bin Nayid waxaa gaaray hey’adda Beycada dalka Sacuudiga oo ka kooban 34 xubnood.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu daroogiste ahaa waqti dheer, marar bandanna ay kula taliyeen Boqor Cabdalla iyo Boqor Salmaan in uu is daaweeyo.

Dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Nayef, ayaa taageeradiisa u ballan qaaday dhaxal-sugaha cusub ee lagu beddelay Mohammed Bin Salman oo ah wiilka boqor Salman Bin Abdul Aziz

Wareegto kasoo baxday boqortooyada ayaa xilka dhaxal-suge looga qaaday Mohammed Bin Nayef oo ah 57 jir uu adeer u yahay boqor Salmaan, waxaana beddelay Mohammed Bin Salman oo 31 jir ah, kaasi oo horey u ahaa ku xigeenka dhaxal-sugaha.

Halkaan hoose ka akhriso warbixinta ay qortay Reuters 

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com