Xog: Farmaajo oo Sacuudiga ka codsaday in la dhex dhexaadiyo isaga iyo Imaaraadka

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga inay dhex-dhexaadiso isaga iyo dowladda Imaaraadka Carabta, si Imaaraadka looga dhaadhiciyo inaysan saldhig milatari ka sameysan Berbera, waxaa sidaas qoray wargeyska Riyadh Post.

Wargeyska ayaa kasoo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ka mid ah waftigii madaxweyne Farmaajo ku wehliyey socdaalkii Sacuudiga in madaxweynaha uu ka codsaday Sacuudiga inay ka dhaadhiciyaan Imaaraadka inaysan sii wadin qorshahooda ku aadan saldhigga milatari ee magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga booqday khamiistii ayaa Riyadh kula kulmay boqor Salman Bin Abdul Aziz, halkaasi oo labada hoggaamiye ay kaga hadleen wada shaqeynta labada dal iyo arrimihii ugu dambeeyey ee gobolka.

Warbixinta Wargeyska Riyadh Post ayaa xustay in madaxweyne Farmaajo uu arrinta Imaaraadka kala hadlay ku xigeenka dhaxa-sugaha Mohammed bin Salman Bin Abdul Aziz, oo sidoo kale ah wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha dibedda Ahmed Adel al-Jubeir, iyo saraakiil kale.

Wargeyska ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo inuu ka faa’iideysto xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, si Imaaraadka looga joojiyo inay saldhig ka sameysato Berbera.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan arrintan wax uga weydiino, nooma suurta galin inaan helno.

Arrintan uu qoray wargeyska Riyahd Post ee dhex-dhexaadinta Imaaraadka, kama mid ahayn qodobadii madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu kala hadlay Sacuudiga, markii uu Muqdisho kusoo laabtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah uga hadal heshiiska saldhigga Berbera, ayada oo sharciyan uu madaxweyne ka yahay Soomaaliya oo idil oo Somaliland ay ku jirto.

Halkan ka aqri warbixinta Riyadh Post.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com