Riyadii Ethiopia ee Soomaaliya oo xaqiiq u dhow (Maxaa socda?)

MUqdisho (Caasimada Online) – Riyadii Ethiopia ay muddo badan uga taameysay siyaasadda Soomaaliya ayaa u dhow inay rumowdo marka la eego sida ay iminka wax u socdaa iyo xogta gaarka ah ee ay heleyso Caasimada Online.

Ethiopia oo qorshaheeda hore ahaa in Soomaaliya ay ka dhigto dal federaal ah oo leh maamulo dhowr ah oo daciif ah, islamarkaana ayada hoos yimaada iyo dowlad dhexe oo aan awood lahayn ayaa taas ku guuleysatay afartii sano ee ugu dambeysay.

Waxaa hadda dalka ka jira hogaamiyayaal magac madaxweyne sheegta oo dhammaantood looga arrimiyo magaalada Addis-Ababa, iyo dowlad dhexe oo iyana maamusha kaliya dhowr gobol, hadiiba aysan dhaafsaneyn magaalada Muqdisho.

Qorshaha xiga ee Ethiopia ayaa ah in saddexda jago ee ugu sarreysa dalka Soomaaliya ee kala ah afhayeenka baarlamanka, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay noqdan kuwo ay ku fadhiyaan caado-qaatayaal ayada ku xiran ama shaqaalaheeda ah.

Wejiga koowaad ee qorshahaas ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah sirdoonkeeda uu rajo ka leeyahay in loo doorto afhayeenka baarlamanka Soomaaliya.

Qorshaha Xidig ayaa waxaa gadaal ka riixaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isna ka mid ah u adeegayaasha Ethiopia, kaasi oo rumeysan in haddii uu ku guuleysto Xidig doorashadiisa, in isaga uu si fudud ku noqon karo madaxweyne, isaga oo rumeysan in taasi ay xiisad ka dhex dhalin karto beelaha Hawiye iyo Daarood.

Shariif Xasan ayaa doonaya in xildhibaano badan oo Hawiye ah uu ka gado inay Xiddig codkooda siiyaan, isaga oo ka faa’iideysanaya xiisadda aan dhammaan ee ka dhex oogan Hawiye iyo Daarood, islamarkaana Hawiyaha ay ku raaci doonaan in Xiddig laga dhigo guddoomiye baarlaman, si Daarood loo gefiyo jagada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Haddii arrintan ay dhacdo ayaa Shariifka wuxuu rumeysan yahay in xildhibaanada Daarood ay carada ay ka qaadaan ku xumeynta Hawiye ay ku aargudan doonaan inaysan musharax Hawiye ugu codeyn madaxweyne, taa beddelkeedna codkooda ay siiyaan Shariif Xasan, sidaasna madaxweyne uu ku noqdo, maadaama codadka beeshiisa ay huban yihiin.

Haddii Ethiopia ay ku guuleysato in Shariifka iyo Xidig ay ka kala dhigto madaxweyne iyo guddoomiye baarlamaan, waxaa wejiga saddexaad uu yahay in qof Hawiye ah oo isna ka mid ah dabi-dhilifyadeeda laga dhigo ra’iisul wasaare.

Illaa iyo hadda lama oga qofkaas, hase yeeshee marka ay labada qorshe ee hore ay hir-galaan ayuu si deg deg ah kusoo shaac bixi doonaaa.

Soomaali badan arrintan kuma baraarugsana, hase yeeshee wax ka yar bil ayaa naga xiga suurto-galnimada ah in saddexda jago ee ugu sarreysa Soomaaliya ay qabtaan saaxiibada Ethiopia, xili markii horeba kasoo billow Somaliland illaa Kismaayo ay ka jireen maamulo madaxdooda ay ka maamusho Addis-Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com