R/W C/WELI oo la shiray beeshiisa una bandhigay 7 arrin oo uu ka cabanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan xasaasi ahaa oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha dalka C/Weli Sheekh Axmed iyo odayaal iyo xildhibaanno ka tirsan Beeshiisa, ayaa ka dhacay Muqdisho.

Kullanka ayaa waxa uu ahaa mid salka ku hayay xal ka gaarista Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare C/Weli, sida xubno ka qeyb galay kullanka oo codsaday inaan la magacaabin ay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare C/Weli ayaa xubnihii uu la shiray waxa uu gaarsiiyay inay jiraan arrimo dhowr ah oo isaga lala maaganaa, balse uu sameeyay difaac waxaana kamid ahaa waxyaabaha uu tabanaayo:-

1 – In Madaxweyne Xasan uu ku howlanaa Mowshin lagu tuuraayo isaga.
2 – In laga lasii koobayey dhaqdhaaaqyadiisa iyo saameynta uu ku lee yahay DF.
3 – In laga qaaday gaadiidka dagaal, oo dowladda ay lahayd, taasi naftiisa helis ku ah.
4 – In marka hore la tashiyo la’aanta ay ka imaaday dhanka Madaxweyne Xasan, oo wax walba kala tashta kooxdiisa Damu-Jadiid.
5 – Warqado dacwad ah oo laga gudbiyay isagoo howshiisa gudanayo, loona diray caalamka.
6 – In Xasan Sheekh uu isku dayay inuu safarada dibada ah ka joojiyo
7 – inuu aaminsan yahay in weerarkii Villa Somalia, isaga loo qorsheeyey.

Odayaasha ayaa lagu wadaa inay kullan la qaadan doonaan Madaxweyne Xasan, una gudbiyaan cabashada ra’iisul wasaaraha, six al loo helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com