R/W: Saacid oo ka hadlay sababta Fowziya uu u doortay iyo 10 wasiir.

Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go’aanka ay xildhibaannada ku taageereen dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay isbeddel deg deg ah u keeni lahayd.

Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban.

Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somaliland.

Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri “aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala go’a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda”

Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee ka tirsanaa jabhaddii SNM.

Raiisul Wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay dowladdu ka soo saartay qoraal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka, kaasi oo ah in ay ku taageeraan dadka degaanka inay maamul sameystaan.