R/W Saacid : Waxaa bilaabbi doonaa wada hadalladii annaga & Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wadahaddaladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliand.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayay munaasabad lagu dhaarinaayay wasiir-ku-xigeeno iyo wasiiro dowlayaal cusub oo ka tirsan xukuumaddiisa.

“Waxa dhawaan bilaaban doonaa wadahaddaladii u dhexeeyay annaga iyo Somaliland, waxana rajeeneynaa in ay noqdaan kuwa horrey u socda oo ka soo baxa wax natiijo ah” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhisi doono maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxwayne Xasaan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dib loo bilaabi doono wadahaddaladii u dhexeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Horrey ayaa dowladdii ugu dambeesay ee ku-meel-gaarka ee uu hoggaaminaayay Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore, waxa ay bilaabeen wadahaddal ay lagaleen maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een sannadkii 1991-dii, waxana tan iyo xilligaas ay raadinaayeen ic-tictiraaf ama aqoonsi, laakin weli ma helin.

Dowladda hadda uu hoggaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ku jira dad ka soo jeeda gobalada waqooyi-galbeed oo hadda la baxay Somaliland, waxa ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Markii xilkaas loo magacaabay waxa ay sheegtay in Somaliland ay iyada wakiil u tahay isla markaana ay ka soo jeedo, laakin madaxda maamulka Somaliland waxa ay sheegtay in aysan matali karin Wasiiradda Somaliland isla markaana aysan ictiraafsaneen.

Ma cadda sida labada dhinac oo horrey wadahaddalo tiro ka labo jeer yeeshay ay kalkan kulankooda uu noqon doono, laakin labada dhinaca waxa ay sheegayaan in ay diyaar la yihiin in meesha laga siiwado wadahaddalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho