Saacadda caanka ah Big Ben ee London oo aan dhawaaqi doonin illaa 2021

Saacadda Big Ben ee suran Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ayaa la joojin doonaa dhawaqeeda illaa inta laga gaarayo sanadka 2021, sababtuna waxay tahay iyadoo howlo dayactir ah lagu sameyn doono.

Muddo 157 sanadood ah ayaa saacaddan taariikhiga ah ee Big Ben waxaa lagu yaqaanay in saacad kaddibba ay dhawaaqdo, iyadoo codkeedana ay muddadaasi aadka u dheer maqli jireen dadyowga reer London, isla markaana iyagoon eegin codkeeda oo qura ay ku ogaan jireen inta saac ee ay tahay.

Haddaba duhurnimada maalinta Isniinta ah ee isbuuca dambe ayaa ugu dambeysa codka saacadda Big Ben, iyadoo codkeeda aan la maqli doonin illaa inta laga soo hagaajinayo oo laga gaarayo sanadka 2021.

Markii ugu dambeysay ee saacadda Big Ben la joojiyay waxay ahayd sanadkii 2007 kolkaas oo shaqo hagaajin ah laga qabanayay, halka sidoo kalena sidan oo kale codka looga jaray sanadihii 1983-kii iyo 1985-kii.

Waardiyaha saacaddan ee Steve Jaggs ayaa sheegay in qorshuhu yahay in mararka qaar sida sanadka cusub oo kale laga dhawaajin doono saacadda, hase yeeshee sababta loo aamusiyay ay tahay in shaqaaluhu howshooda si wanaagsan u qabsadaan oo aysan la kulmin wax caqabad ah.

Tower-ka ay saacaddani ku taallo waxaa loo yaqaannaa ‘Elizabeth Tower’ balse magaca Big ben ayaa ka caansan, waxaana la dhisay sanadkii 1859-kii, iyadoo dhismahaasi dhirirkiisu yahay 96m, halka culeyskeeduna yahay 13.7 tan.