Sababta wasiirka waxbarashadda looga reebay wafdigii madaxweyne Farmaajo ee aaday Qaahira

Muqdisho (Caasimadda Online ): Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Somalia C/raxmaan Dahir Cusmaan ayaa dhowaan laga reebay wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee 21-kii bishan booqashada rasmiga ah ku tagay dalka Masar.

Doodo badan iyo hadalo is burinaya ayaa kasoo baxay sababta uu wasiirku kaga haray safarka madaxweynaha ,laakiin Caasimadda Online ayaa si madaxbanaan usoo xaqiijisay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu wasiirka ka reebay wafdiga madaama ay xiligaas aad u cakirneyd xaaladda maamulka Hirshabeele.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa usheegay wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare C/raxmaan Dahir Cusmaan in aan looga maarmin xaaladda Hirshabeele madaama ay qaraabo yihiin madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/laahi Cosoble ayna muhiim tahay inuu aado Jowhar uuna ka shaqeeyo xalinta arintaas.

Tani waxaa ay keentay in isbadal uu ku dhaco liiska wafdigii madaxweyne Farmaajo ee aaday Qaahira, halka wasiirka waxbarashadda, wasiirka amniga iyo wasiirka arimaha gudaha loo diray Jowhar si ay u kala dhex galaan Cosoble iyo Cali Guudlaawe ayna usoo baaraan xaqiiqada waxa ka dhacay magaaladda Jowhar.

Ilo ku dhow dhow wasiir C/raxmaan ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in wasiirku uu muhiimad gaar ah siinayay xaaladda Hirshabeele isago Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay inuu u xilsaaray howl ay beeshiisu aad isha ugu haysay dhamaadkeeda.

 

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com