Sacuudiga iyo Soomaaliyada cusub! (Waa lama huraan in welwel ku galo)

Haddii ka muwaadin ahaan aad ku faraxsan tahay rajada Soomaaliyada cusub, Soomaaliyada si xor ah isu doorata ee sii noolaanaysa maalin walba, inuu welwelna ku galo waa lama huraan. Gaar ahaan markaad aragto Sucuudiga oo madaxweynaha Soomaaliya ee sida xorta ah baarlamaanku u doortay, ku riixaysa inuu kow Riyad booqdo, oo ay xigto soo dhoweynta qaaliga ah, balanqaadyada dhaqaale iyo warka shalay soo baxay oo ah in Madaxweynaha uu ka dalbaday in ay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraatka!

Madaxweynihii ugu horeeyay ee si xor ah loogu doorto dalka Masar, haddana xabsiga ku jira asagoo mar dil lagu xukumay, Dr. Maxamed Mursi, wuxuu markii la doortay, farxadda dammaashaadka Masaarida kadib, safarkii ugu horeeyay ayuu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya asagoo casuumaad iyo maamuus qaali ah ka helay boqortooyada. Inta uusan safarka u ambabixin waxaa laga hayaa inuu yiri:

“Mar walba waan ku taamayay inaan marka ugu horeysa booqdo xaruntii waxyiga, oo kulminaysa quluubteena, waxaan ka wada hadlaynaa danaha umaddeena”

Luulyo 2012, dalka Sacuudiga soo dhoweyn quruxdeeda wax loo dhigo yar yihiin ayuu u sameeyay Mursi kadib, waxay boqortooyada u ballanqaaday sida uu qoray wargayska Al Ahram iyo wakaaladaha wararkaba:

“4.5 bilyan oo doolar oo dhaqaalaha Masar dib loogu dhisayo, iyo hal bilyan oo doollar oo Bankiga Horumarinta Islaamka loo marinayo si Sucuudiga uu Masar uga taageero dhanka cunnada iyo shidaalka”.

Sanad kaddib Luulyo 2013, Sucuudiga wuxuu taageero aan lala gaban siiyay Jeneraal Cabdifataax Al Siisi, si uu af-gembiyo Mursi iyo maamulkii sida dimoqraadiyadda ahaa ee ay shacabku doorteen, ayagoo balaayiin doolar ku abaal mariyay markii uu jeneraalka wiiqay dimuqraadiyadda curdunka ahayd ee Masar ka hana qaadday.

Boqortooyada Sucuudiga waa in laga feejignaadaa, madax la doorto oo rabitaanka shacabka ku shaqeeya waa cadawgeeda. Sucuudiga dadbaa dhahaya waxay neceb yihiin Ikhwaankii, kooxo diimeedyo ama Shiico, uma malaynayo. Waxay neceb yihiin oo keliya wixii xukunka qoyska boqortooyada halis ku ah. Ujeeddada ugu weyn ee boqortooyadaha Khaliijka waa in ay aysan dimuqraadiyad ku shaqaysa aragtida shacabka ee aan lagu fushan karin danno gaar ah ka hana qaadin gobolka! Waxay ku tahay halis!

Wixii wannaag ah waa laga wada shaqayn karaa, feejignaanse waa muhiim!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid