Sacuudiga oo heer sare gaarsiisay Khilaafka Khaliijka markii ay soo masaafurisay Geel laga leeyahay Qatar

Jeddah (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa heerkii ugu sareysay gaarsiisay khilaafka dowladaha Khaliijka iyo go’doominta lagu hayo dalka islaamka muhiimka u ah ee Qatar.

Dowladda Sacuudiga ayaa xayirtay Geel badan oo ay lahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Qatar tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Qatar isla markaasna ay ka mamnuucday dhammaan xuduudda badda cirka Iyo Dhulka.

Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in dhammaan Geela laga leeyahay dalka Qatar dib loogu celiyo Qatar, taasoo lagu tilmaamay inay tahay ka badbadis ay wado dowladda Sacuudiga oo la filayey inay Islaamka u horseedo nabad iyo walaaltinimo.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dalka Qatar ayaa sheegaya in xuduuda Sacuudiga laga soo gudbiyey ilaa 6000 oo Geel oo ay la ahaayeen dad kasoo jeedo Qatar, waxaana hadda lagu hayaa xuduuda labada dowladood gaar ahaan dhinaca Qatar.

300 kun oo kamid ah Geelaas ayaa la sheegay inuu lahaa hal nin oo u dhashay Qatar kaasoo xuduuda Sacuudiga kasoo gudbiyey Geelaas.

Dowladda Qatar ayaa halkaas gaarsiisay cows iyo cuntooyin kale oo loogu talagalay ina lagu badbaadiyo Geelaas la sheegay inuusan quudin helin tan iyo markii uu bilowday xayiraada la saaray Qatar.

Dowladda Mareykanka ayaa qoorta isku gelisay dowladaha Khaliijka waxayna Sacuudiga ka dhaadhacsiisay in Qatar la saaro go’doomin, tiiyoo ay jirto inay labada dowladood ka kala iibsay hub iyo diyaarado Dagaal si ay isku baabi’iyaan.