Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 3-aad)

Qeybti 4-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad.

Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaa sow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sowkanwadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker. Haa, wax kale ka feker, aakhiro a feker, iyo cadaabta iyo jannada. Alla cadaabtu kululaa, Ilaahow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq!

Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la’eg yihiine maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd.

Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog. Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno. Fakhriga qudhiisu waa fidno kale; bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo. Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye. Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ”Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!”.

Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd. Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho? Oo miyaad bugtaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.

Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kugu qayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad; wadaad fadeexadoobay oo reerkii uu raatubta u akhriyi jiray waardiyahana u ahaa kufsaday. Ka dibna? Ka dayuuska ah ee qabaa armuu ku dilaa? Oo inta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid? Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale magaaladaas Ilaahay kaga dhuumo. Miyuu ku heli karaa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaane sidee buu kuu heli karaa? Sinaba. Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur’aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! .

Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad. Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa. Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray. Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin. Waa labadii mid uun.

Ta ay doonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).